Shirka wadatashiga iyo dardargalinta qorshaha 2008 TI oo ka dhacay fiiq

Fiiq (CN) khamiis 22,October 2015 Fagaarayaasha wada tashiga shacabka iyo ka qaybgalinta shacabka qorshayaasha horumarka waa tabaha halbowlaha u ah  gaadhida  iyo ka midho dhalinta hiigsiga qorshayaaasha horumarineed waana dareensiinta shacabka la haanshaha awoodeed ee fulinta hawlaha horumarka.

Iyada oo laga duulayo habraacyada cabirka ayay maamulka Gobolka Nogob waxay shir wadatashiya la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada degmada fiiq sida odayaasha haweenka iyo dhalinyarada. shirikaa oo ka dhacay magaalda fiiq  ayaa waxa  ay ujeedadiisu ahayd dardargalinta meel marinta  iyo hirgalinta  qorshayaasha horumarineed ee u yaala degmada fiiq sanadka 2008TI iyo  dareensiinta shacabka doorka ay ku leeyihiin meel marintiisa.

Shirkan oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha gobolka nogob mudane axmed xaaji, hogaanka nabadgalayda ee Gobolka Nogob mudane guuleed maxamed ismaaciil iyo gudoomiyaha degmada fiiq mudane cabdiqaadir maxamed faarax.

Waxaan  ugu horayntii ka hadlay shirka wadatashiga ah gudoomiyaha gobolka nogob mudane ahmed xaaji oo sharax dheerka bixiyay  ahmiyada iyo ujeedooyinka shirka taasi  oo uu  sheegay gudoomiyuhu in ay tahay xaqiijinta in shacabku yahay xaqlaha iska leh hirgalinta hawlaha horumarka iyo in qorshayaasha horumarka la gudoonsiiyo si cadna loogu qeexo  doorka ay ku leeyihiin, wuxuuna gudoomiyuhu ku nuux nuuxsaday in habraacyada fulineed ee shacabka iyo maamulka gobola nogob ay ku hirgalinayaan meel marinta qorshaha sanadka 2008TI  isaga oo u sheegay  in ay  sii xoojiyaan fulinta qorshaha

Dhankooda hogaanka nabadgalayda gobolka nogob  mudane guuleed maxamed iyo gudoomiyaha degmada fiiq mudane cabdiqaadir maxamed ayaa si mug leh uga warbixiyay himiloyinka horumarineed  iyo tabaha lagu hirgalinayo qorshaha iyo waliba kaalin ay shacabku ku leeyihiin.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee shacabka oo ka hadlay shirkaasi ayaa si durugsan u balan qaadan in ay ka soo dhalaalayaan hirgalinta qorshayaasha horumarinee kuwaa oo ugu mahad celiyay maamulka gobolka sida ay ugu soo bandhigay qorshaha  sanadka 2008 iyo meel marintiisa