Shirwaynihii 25aad Ee Waxbarashada Dalka Itoobiya Oo Ka Furmay Maqale

Maqale(CN) jimce, 23 October 2015, Shirwaynihii 25 aad ee Waxbarashada Dawlada Federalka Itoobiya ayaa saaka ka furmay caasimada Deegaanka Tigraay ee Maqale. Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaarada waxbarashada Dawlada Federalka Itoobiya, Xafiisyada Waxbarasho ee Sagaalka Dawlad Deegaaneed iyo Labada Ismaamul Maagaalo ee dalka. Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, Gadhwadeeno, Khabiiro ka kala socday wasaarada iyo xafiisyada waxbarasho ee dalka ka jira, ayadoo ayna madasha ka maqnayn sadexda garab ee waxbarasho ee kala ah Ururka Macalimiinta, Ururka Haweenka iyo Ururka Dhallinyarada. Shirkan oo ah kii 25aad ee dalka laga qabtay ayaa lagu qaadaa dhigayaa waxqabadkii 2007 T.I iyo qorshaha 2008 T.I.


Shirkan oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa noqonaya mid khibrad la is waydaarsado, lana booqanayo Dugsiyada Waxbarasho ee Hormuudka ka ah Deegaanka Tigraay. Gabagabadii ayaa la isla qaatay in  caqabadihii waxbarasho ee sanadkii 2007 la saxo, qorshaha sanadkan 2008na la dardar galiyo.

 

 

 

 

.