Wafti wasiiro ah oo kormeer shaqo ku soo maray G/jarar.


Dhagaxbuur(CN) 25, October, 2015 Waftigan  
wasiirada ah  ee xukuumada DDSI oo uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin  ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska arimaha bulshada DDSI mudane axmed koore, maareeyaha kuliyada tababara macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen mudane maxamuud axmed nuur iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku gaadhay gobolka Jarar.Waxayna  kormeerkan shaqo ee ay ku gaadheen gobolka jarar ugu   kuurgalayeen  heerka uu marayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka iyada oo ay siwayn ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka iyo maamulka gobolka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maamulka magaalada dh/buur

 waxayna musuuliyiintan oo uu horkacay  gudoomiyaha gobolka jarar  ku soo wareegeen mashaariicaha horumarineed ee ka socday gobolka kuwa dhamaaday kuwa meel dhexe maraya iyo kuwa hadda la bilaabayo oo ay ka mid yihiin biyo xidheenada laga hirgalinayo degmooyinka gobolka jarar oo dhawaan la bilaabay.

iyada oo ay  masuuliyiintani kulamo saacado dheer qaatay la yeesheen qaybaah kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada dhagaxbuur kuwaasi oo ay iska xogwarays’teen fulinta qorshayaasha horumarineed, wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSJ mudane khadar cabdi ismaaciil  ayaa sharax dheer ka bixiyay jihooyinka, istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed uu u dajisan xukuumada DDSI iyo waliba doorka ay ku leeyihiin hirgalintiisa qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka jarar

 

dhankooda qaybaha kala duwane ee bulshada ayaa bogaadiyay booqashadan masuuliyiintu ay ku yimaadeen gobolka waxayna hoosta ka xariiqeen in ay doorkooda ka soo dhalaalidoonaan hirgalina hawlaha horumarka.