Shirwaynihii Waxbarashada iyo Tababarada Heer Qaran Oo Si Wayn Looga Xusay Caasimada Deegaanka Tigraay ee Maqale

Maqale(CN) isniin, 26ka October 2015, Shirwaynihii Waxbarashada iyo Tababarada Heer Qaran oo loo dhanyahay ayaa ka dhacay caasimada Maqale ee Deegaanka Tigray, waxaana si wayn ugasoo qaybgalay bahwaynta waxbarasho ee sida Wasaarada Waxbarashada Federaalka Itoobiya, Xafiisyada Waxbarsho ee Deegaanada iyo Ismaamul Magaalooyinka Dalka, jaamacadaha dalka, kulliyadaha TVETka, Ururada Macalimiinta, Ururada Haweenka, Ururada Dhallinyarada, Haayadaha Heer Caalami iyo kuwa ka dhaqdhaqaaqa Dalka gudihiisa.

Waxaana  munaasabadan furay Madaxwaynaha Deegaanka Tigray Mudane Abay Waldu kuna soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Dawlada Federaalka Itoobiya Mudane Shifaraw Shukute, wasiirkuna uu halkaa kasoo jeediyay warbixintii waxqabadka sanadka 2007 iyo qorshihii shanta sano ee GTP2ga, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "anoo ku hadlaya macayga iyo magaca xukumada dawlada federaalka itoobiya waxaan halkan ka ballan qaadayaa inaan isku duubni uga midho dhalin doono qorshaha shanta sano ee u yaala bahwaynta waxbarashada dalka".

Si wada jir ah ayaa booqasho loogu aaday Carwo bandhigeed si wayn loosoo agaasimay ooy soo bandhigeen sagaalka deegaan,  labada ismaamul maagaalo, dhamaan jaamacadaha dalka iyo kulliyadaha TVETka oo ka dhacday isla magaalada maqale, halkaaso ay ka muuqatay iftiin iyo isbadal usoo kordhay shucuubta reer itoobiya.

Kabacdi ayaa kulan lagaga wada hadlayay waxqabadkii hore iyo qorshaha fooda inagusoo haya ayaa lagu falanqeeyay kor u qaadida tayada waxbarashada, kordhinta tirada barayaasha dumarka, nidaamka baris barasho ee loo yaqaano E LEARNING 12 Channel oo gudbiya waxbarashada  oo hada laga hirgaliyay dalka, Tacliinta Lagu Gudbiyo Idaacadaha iyo waxbarashada baahida gaarka ah.

Munaasabadan oo socon doonta ayaa abaal marin kaalmaha waxbarasho ah lagu gudoon siiyay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana abaal marinta wada jir ugu gudoomay xubno ka socday Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya