Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI oo kulan la yeeshay hay’ada mercy corps.

Jigjiga(CN)  27, October  2015, Kulankaa oo uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir oo ka dhacay xafiiskiisa islamarkaana ay ku wehelinayeen agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska ayaa waxa ay kulankaasi la qaateen masuuliyiin sare oo ka socotay hay’ada mercy corps

Kulankaa  oo ay ujeedadiisu ahayd sii  xoojinta iyo xoog’taynta taageerada mashruuca digniinta hore ee ay hay’ada mercy cops ka taageerto xafiiska ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiis  ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir oo sharax dheer ka bixiyay xidhiidhka horumarineed ee ay wada leeyihiin xafiiska iyo hay’ada mercy cops waxaa kale oo uu ka warbixiyay ahmiyada uu mashruucani leeyahay  iyo in ay muhiim tahay sii xoojinta iyo taageerada  iyo joogtaynta mashruucani

 

Dhankooda masuuliyiintii ka socoday hay’ada mercy cops ayaa si qoto dheer uga warbixiyay sida wanaagsan ee ay masuuliyiinta iyo hawl wadeenada xafiisku u wada shaqeeyaan iyo ka go’aanshaha ay muujiyaan hirgalinta iyo joogtaynta mashruucan waxayna soo jeediyeen qorshayaasha lagu soo xoojinayo hirgalinta mashruucan oo waxwayn ka qabanayo sidii looga diyaar garoobihalaa dhibaatooyinka iman kara .