CIID MUBAARAK



 

      

Mw cmc oo garoonka diyaarada goday ku soo dhaweeyey mw JDFI


Goday (CN) Sabti,31,October, 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti aad u balaadhan oo ay ka mid yihiin janeraalka ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur-bari itoobiya lieutinent General Abraham wold-mariam, masuuliyiin heer deegaan, masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele, kuwa degmada, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha goday madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome.

 

Soo dhawayn iyo nasasho  yar ka dib waxay madaxwaynaha DDSI, ka dalka iyo waftiguba booqasho heli'kobtor ah ku gaadheen galbeedka gobolka  shabeele ee dib u dajinta lag hirgaliyay iyada oo masuuliyiinta iyo waftiguba booqasho lug ah ku soo gaalaabixiyeen   mashaariicaha dib u djinta iyo  hawlaha balaadhan ee wakhti xaadirkan cagaf cagafyadii hadda  la qaybiyay ee dhinaca waxsoo saarka beeraha  ka wadaan goobtaasi.