Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo kulan la yeeshay kuliyadaha gaarka loo leeyahay.

Jijiga (CN),sabti 31,October,2015 Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada (TEVET) DDSI ayaa kulan lagu qiimaynayay tayada kuliyadaha la yeeshay masuuliyiinta kuliyadaha gaarka loo leeyahay oo tiradoodu dhantahay 5 kuliyadood.

Furitaankii kulankaa ayaa waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka TEVETka mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo sheegay in uu kulankani yahay mid diirada lagu saarayo tayada kuliyadaha gaarka loo leeyahay ee ka jira deegaanka in ay yihiin kuwo la jaan qaadaya nidaamka kuliyadah dawliga ah ee DDSI iyo kan dalkaba  gaar ahaan dhinaca nidaamka baris barasho.

Wasiirku xigeenku isaga oo ka hadlaya ahmiyada kulankaa waxa uu yidhi”kulankani inta uu socda waxaan diirada ku saaraynaa tayada kuliyadaha gaarka loo leeyahay nidaamka baris’barasho ma tahay kuwo la jaan qaadaya kuliyadaha dalka sidoo kale macalimiinta duruusta bixinaysaa ma yihiin kuwo tayo aqooneed iyo khibrada u leh  cashirada, goobaha  ay kuliyaduhu ku yaalaan ma tahay mid ku haboon waxbarashada, cusboonaysiinta laysanka manhajka, duruusta ay bixiyaan matahay mid kuliyadaha dawliga ah iyo waliba xaqiijinta awooda maamul ee ay kuliyaduhu leeyihiin.

 

Kulankaasi oo si qoto dheer loo qorfeeyay ayaa waxaa laysla qaatay in kuliyadah gaarka loo leeyahay ay la jaan qaadaan kuliyadaha dawliga ah si lowna loo gufeeyo meelaha ay goldalooladu ka jirto iyo in ay kuliyaduhu ilaaliyaan xaqiijinta ku dhaqanka shuruucaha u dajisan deegaanka iyo dalkaba ee la xidhiidha nidaamka TEVETka iyada oo laysla qaatay joogtaynta kulamada diirada lagu saarayo tayada kuliyadaha gaarka loo leeyahay.