Mw DDSI iyo mw JDFI oo xadhiga ka jaray dhismayaasha xarunta madaxtooyada DDSI.

Jigjiga(CN)  Axad, 1,November, 2015, Waxaa saaka si meeqaam sare  loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal Airport Jigjiga  madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, madaxwaynaha JDFI mudane Dr mulatu teshome iyo waftibalaadhan oo ay hogaaminayaan kuwaasi oo booqasho socdaal shaqo ku marayay gobolada shabeelo iyo qoraxay, waxaana garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal   ku soo dhaweeyay  masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay horkacayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba  kooxa fanka iyo suugaanka DDSI.

Masuuliyiinta iyo waftigan  oo inyar ku nastay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ayaa u soo anbabaxay dhanka xarunta madaxtooyada cusub oo islamaanta xadhiga laga jarayay , waxaana aad loo qurxuyay madasha lagu qabanayay xaflada xadhiga lagaga jarayo dhismaha xarunta cusub ee uu ka mid yahay hoolka shirarka oo ah mid casriya oo loogu talagalay in ka badan 2,500 oo qof in uu qaado.

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo madaxwaynaha JDFI ayaa si wad jir ah uga jaray xadhiga dhismaha xarunta madaxtooyada cusub oo ay ka mid yihiin dhismaha hoolka shirarka jigjiga dhismahan xarunta madaxtooyada oo ah mid mudo kooban lagu hirgaliyay ayaa ah mid gashi horumarineed u noqonaysa guud ahaanba  DDSI.

Waxaana xafladaasi xadhig ka jarka ka ugu horayntii ka  hadlay madaxwaynaha mudane cabdi maxamuud cumar oo ka warbixiyay  marxaladaha iyo isbadalada horumarineed ee ka hirgalay deegaanka gaar ahaan guulaha horumarineed ee 5tii sano ee ugu danbeeyay ay gaadhay xukuuamda DDSI iyo shacabkeedu oo kaashanaya JDFI  gaar ahaan kor u qaadida adeegyada aas aasiga ah ee horumarka  sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, wax soo saarka xoojinta dhinaca beeraha, jidadka abuuritaanka ilaha shaqada la dagaalanka saboolnimada iyo  xidhiidhka arimaha dibada kana go’antahay xukuumada DDSI iyo shacabkeeda sii joogtayna iyo xoojinta horumar buuxo oo dhinac kasta leh.

Madaxwaynaha JDFI mudane Dr Mulatu Teshome ayaa matashaasi xadhig ka jarka  ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa kuna qotonta isbadalka horumarineed xasilooni ee sida dhaw uga hirgalya guud ahaanba deegaanka taasina ay ku timiday dadaalka balaadhan ee xukuumada DDSI iyo shacabkeedu u galeen ka midho galinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyey socdaalkii uu ku soo maray qaarka mid ah gobolada deegaanka taasi oo uu sheegay  in uu indhihiisa ku soo arkay horumar buuxa oo ka hirgalay deeganka iyo xasilooni aan taam ah taasina ay keentay  hogaaminta sare ee xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI oo  ay ka go’antahay gaadhida horumar aan soo noqosho lahayn iyo sida loogu diyaar garobay hirgalinta qorshaha GTP2 ga oo ah mid guud ahaan dalku dadaal xoogan ugu jiro hirgalintiisa.