Ramadan Kariim 



 

      

Hambalyo.... Hambalyo....

Jijiga(CN) Axad, 1 November 2015, Xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo mudane madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar, XDSHSI, Golaha Kabinega heer deegaan, Maamulada Gobalada, Degmooyinka iyo Maamul-Magaalooyinka ayaa waxay halkan Hambalyo Qaali ah uga dirayaan mudane Ibraahin Cismaan Faarax oo noqday Mayorka cusub ee ismaamulka magaalada Diridhaba oo ah xubin firfircoon, aqoon iyo khibrad dheeri ahna u leh nidaamka hogaamineed oo ay u dheertahay bisayl siyaasadeed bulshada ismaamulka Diridhabana ay kalsooni aad u fiican ku qabaan.

Xukuumada ayaana ugu hambalyayneysa xilka cusub ee loo doortay. waxayna u filayaan in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si daacadnimo ah, wadaniyad iyo xilkasnimana ku dheehan tahay.

Waxayna ilaahay uga rajeynayaan inuu ku asturo xilka loo doortay.