Mw JDFI oo dhagax dhigay garoonka ciyaaraha jigjiga stadium.

Jigjiga(CN)Axad 1,November. 2015, Madaxwaynaha Jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya  mudane Dr  mulatu teshome ayaa maanta dhagax dhigay  garoonka wayn ee ciyaaraha, jigjiga  stadium oo ah garoon casriya oo qaadaya 50 kun oo qof kana mid ah Mashaariicaha waawayn ee  deegaanka laga hirgalinayo qorshaha GTP2.

Madaxwaynaha JDFI oo dhagax dhigii ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu deegaanka somalida itoobiya  u jahaystay tubtii horumarka guulo waawayna ka soo hooyay hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee sanadihii ugu danbeeyay  taasi oo uu sheegay in uu garoonka ka mid yahay mashaariicaha waawayn ee laga hirgalinayo deegaanka wuxuuna sheegay in uu kor u qaadayo xidhmaha horumarinta dhalinyarada

 

Garoonka ciyaaraha kubada cagta  ee laga hirgalinaya xarunta deegaanka ee jigjiga ayaa ah  gashiyada horumarineed ee ka hirgalaya deegaanka wuxuuna shaqo abuur u samayndoonaa 400 oo qof waana garoon loogu talagalay in lagu qabto tartamada ciyaaraha heer caalami heer qaran iyo heer deegaanba waxaana lagu qabandoonaa munaasabadaha waawayn  heer  qaranka iyo kuwa deegaankaba waana garoon loo dhisayo nidaamyada  casriga ah ee hada laga dhiso caalamka hore u maray wuxuuna yeelan doonaa qolal gaar ah hoolal shirar qolalka lagu diyaariyo wararka qolalka ay ku nastaan ciyaartoydu iyo qaybo kale oo muhuum ah waana garoonkii ugu horeeyay ee noociisa laga hirgaliyo deegaanka.