CIID MUBAARAK



 

      

Xarunta Caafimaadka Ee Hanti Shacab Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray

Jigjiga(CN) Isniin, 2da November 2015, Waxaa maanta xadhiga laga jaray xarun caafimaad oo loogu magac daray xarunta caafimaadka ee hanti shacab oo ku taala xaafada 11,aad ee dudahido ee maamulka magaalada jigjiga kadib markii uu xaruntan caafimaadka  shaqsi takri fal iyo lunsi kusameeyay hantida shacabka kadhistay guryo dhan  48 qol iyadoo shacabkii hantidan lahaana uu sabool yahay ayaa dadaalo dheer oo ay xukuumadu kasamaysay dhinaca ladagaalanka musuqa lagu ogaaday islamarkaana dib loogu soo celiyay gacanta shacabka iyadoo lagadhigay xarun adeeg caafimaad ufidisa shacab dhan 50 kun oo shaqsi.

Xaruntan caafimaadka ee lamagac baxday hanti shacab ayuu shaqsigii musuqa hantida shacabwaynaha DDSI wada leeyahay kadhistay hantiga intaa dhan uu kusuntaday sida geelii magaciisa.

Waxayna arintani kow katahay shaqooyinka uu komishinka musuqa iyo anshaxu qabtay isagoo lakaashanaya maxkamada kadib markii uu baadhitaan iyo dabagal dheer kusameeyay mushaarkii shaqsigu qaadan jiray bilkasta oo lagu dhuftay inta sano ee uu xilka uhayay shacabka iyo ilaha kale ee wax kasoo gali jireen ayayna kucadaatay inuu dhacay hanti shacab isagoo xiligaa huwanaa gabaadna kadhigtay shaadhka dawlada kadibna maxkamadu go’aamisay in hantidan shacabkii lahaa xarun u adeegta loogu badalo.

Sidoo kale, wuxuu komishinku cadeeyay inay jiraan 2 gibi oo kale oo isla shaqsigaasi kadhisay hantidii shacabka uu kamusuqay kadibna lago’aamiyay in laga dhigi doono iskuulo ardayda wax lagu baro.

Arintan ayaana waxay tusaale u tahay in cid alaale iyo cidii xil uhaysa shacabka deegaanka ee iskudayda inay lunsi ku samayso hantida shacabka uu sharcigu kawayn yahay.

Hadaba, xafladan xadhig kajarka  xaruntan caafimaad ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta  hogaaminta sare ee xukuumada DDSI iyo shacabka magaalada jigjiga. waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray kusimaha ahna kuxigeenka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid iyo maayarka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamed Axmed.

Waxaana ugu horayntii sharax dheer kabixiyay  adeega caafimaad ee ay bixin doonto xaruntan caafimaadku wasiir ku xigeenka ahna ku simaha xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid isaga oo sheegay in ay maanta farxad u tahay furitaanka xarunta caafimaad ee hanti shacab oo ay xaafadani si wayn ugu baahnayd helitaanka adeega caafimaadka maadaama oo uu kafogaa cisbitaalku wuxuuna u sharaxay masuuliyiinta iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay xafladan qaybaha uu ka kooban yahay xaruntani isagoo halkaana kacadeeyay in lunsiga hantida shacabku tahay mid xaaraam ah. Dawladuna udulqaadanaynin kutakrifalka hantida sshacabka ee ay mas’uulka katahay.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladaasi hagoominta sare ee xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxa xarunta dhexe ee  XDSHS lehna awood madaxwayne ku xigeen mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo sheegay in aysan xukuumada iyo Xisbigu marnaba u dulqaadan Karin musuqa la dhuumashada hantida shacabka qofkii isku dayana in uu dhaxgalo musuqa ay xukuumadu u foojigan tahay kuna soo celintooda gacanta shacabka tana ay ka mid tahay hantidii shacabka ee horay loogu tekrifalay balse hada ay xukuumadu  ku soo celisay  gacanta shacabka oo ay adeeg caafimaad oo tayo leh siin doonto shacabka.

 

Ugudanbayna, shacabkii kasoo qayb galay xafladan ayaa aad ugu farxay xaruntan caafimaad ee maanta xukuumadu xadhiga uga jartay shacabka xaafada 11,aad ee maamulka magaalada jigjiga. Waxayna bogaadiyeen dadaalada ay xukuumadu kula dagaalamayso musuqa oo waxqabadkan muuqda ee shaqsiga kutakrifalay hantidoodii maanta xukuumadu dib ugu soo celisay. Waxaa intaa dheer oo shacabku soo dhigay mahadnaq balaadhan iyo inay xukuumada kala shaqayn doonaan ladagaalanka musuq maasuqa.