Xaflada furitaanka talaalka ka hortaga cudurka qoor’gooyaha iyo jadeecada oo ka dhacay jigjiga.

Jigjiga (CN) 3,November, 2015, Waxaa maanta guud ahaanba deegaanka laga bilaabay furitaanka ol olaha  talaalka ka hortaga cudurka qoorgooyaha( maskax garaadka) iyo jadeecada ol olahan isku dhafka ah ee lagaga hortagayo cudurka qoorgooyaha ayaa laga talaalayaa   dhamaan caruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 1 ilaa  29 jir sidoo kale cudurka jaceedada ayaa waxa laga talaalayaa  caruuta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 jir.

Haddaba xaflada  si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay ol’olaha talaalkaa ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI, xafladaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa ka soo qayb’galay, qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan, wasiir ku xigeenka caafimaadka ahna ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid, wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir, gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheikh cabdiraxmaan, shaqaalaha xafiiska caafimaadka  iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii xafladaasi ku simaha wasiirka caafimaadka  DDSI ahna ku xigeenka xafiiska  mudane cabdifataax siciid wuxuuna ka warbixiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada iyo xafiiska caafimaadka DDSI ugu jiraan sii xoojinta iyo kor u qaadida tayada adeega caafimaadka oo taam ah isaga oo  sheegay masuulku in xoog  la saaray joogtaynta ka hortaga cudurada faafa. Waxaa kale oo uu sharax dheerka bixiyay in ay talaalkan maanta laga talaalayo ka hortaga cudurka qoor'gooyaha iyo jadeecadu oo maanta ka furmay dhamaan degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka uu yahay  midkii ugu horeeyay ee deegaanka laga hirgaliyo abid sidoo kale waxa uu       tilmaamay ahmiyada uu leeyahay talaalkani oo laga talaali’doono deegaanka 3,7 millayn iskugu jirta caruur iyo dhalinyaro,

Waxaa kale oo ka hadlay xaflada furitaanka talaalka lagaga hortagayo cudurka qoorgooyaha iyo jadeecada madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan  oo si qoto dheer uga warbixiyay guulaha uu xafiiska caafimaadka iyo xukuumaduba ka soo hooyeen tayaynta adeega caafimaadka, wuxuuna madaxwayne ku xigeenku aad ugu dheeraaday  ahmiyada uu leeyahay talaalkani isaga oo sharax mug leh  ka  bixiyay doorka ay ku leeyihiin bulshadu hirgalinta talaalka  lagaga hortagayo cudurka qoor'goohayah iyo jadeecad wuxuuna ku booriyay bulshada in ay ka soo dhalaalaan doorkooda kaga aadan si looga hortago cudurka.

Furitaankii xafladaasi oo ay ka hadleen masuuliyiin kale iyo gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI oo dhamaantood ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay talaalkaasi ayaa waxaa ugu danbayntii uu  wasiir ku xigeenka ahna ku simaha caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid  irbadii ugu horaysay ee  talaalka  ku muday/duray mid ka mid ah agaasinada xafiiska caafimaadka oo ah  dhalinyaro wuxuna socondoonaa ol olaha talaalkani mudo 10 cisho ah.