Ramadan Kariim 



 

      

Tababar loo qabtay haweenka iyo dhalinyarada MM Qabridahar.

Qabridahar(CN) talaado,  10,November,2015, Xafiiska arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada maamulka magaalada qabridahar ayaa tababar u   qabtay in ka badan  300, oo   iskugu jira haween iyo dhalinyaro tababarkaa  ayaa  ujeedadiisu ahayd la dagaalanka iyo ka hortaga caadooyinka xun’xun ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qayb'galay masuuliyiin ay ka mid yihiin maayirka maamulka magaalada qabrihadar marwo Ifraax cumar muuse iyo madaxa xafiiska haweenka caruurta iyo dhalinyarada  maamulka magaalada qabridahar marwo sucaad khadar.

Waxaana ugu horayntii ka hadashay tababarkaa maayirka maamulka magaalada qabrihadar marwo ifraax cumar muuse oo sharax dheer ka bixisay dhibaatooyinka ay leeyihiin caadooyinka xun’xun ee soo jireenka ah gaar ahaan dhibaatooyinka ay ku hayaan  haweenka iyo sida looga hortagayo laguna tir tirayo waxayna ku boorisay tababartayaasha in ay ka faa’iidaystaan mudada uu socdo tababarkani  

Dhankeeda waxaa iyaduna ka hadashay furitaankii tababarkaasi madaxa xafiiska haweenka caruurta iyo dhalinyarada mm qabridahar marwo sucaad khadar oo ka warbixisay ahmiyada uu leeyahay tababarkani  iyada oo ka warbixisay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loola dagaalami lahaa loona dabar gayn lahaa caadooyinka xun’xun ee soo jireenka ah iyo waliba doorka ay bulshadu ku leedahay dabar goynta caadooyinka dhibaatada u gaysta dayarta haweenka.

 

Sidoo kale waxaa iyaguna ka hadlay madashaa qaarka mid ah culimo awdiinka iyo odayaasha mm qabridahar kuwaasi oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ay leeyihiin caadooyinka xun xun gaar ahaan gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg dega ah iyo  ka qasabka  ah waxayna hoosta ka xariiqeen in ay si wada jir ah ula dagaalamidoonaan ka hortaga iyo dabar goynta caadooyinkaasi