CIID MUBAARAK



 

      

Munaasabada Abaalmarinta Tartanka Koobka Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo Maamul Magaalooyinka

Jijiga(CN) Sabti,14ka Nov 2015,  Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii guulaha kasoo hoyiyay tartankii 5,aad ee Ciyaaraha Kubada Cagta, Laliska, Oradka iyo Bootinta ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee loogu magac daray KAALI ee ku taala xarunta cusub ee Madaxtooyada oo qaadaysa in ka badan 2,500 oo qof,  loona dhisay heer caalima ah.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu hor kacayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,  Golaha Kabineega, Agaasinada Iyo Shaqaalaha Kaladuwan ee xafiisyada, Ururada Dhalinyarada, Ciyaartoyda, Tababarayaasha, Odayaasha, Hooyooyinka Iyo Qaybaha Kaladuwan ee Bulshada.

Munaasabadan abaal marinta ah ayaa waxaa ugu horayn furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka warbixiyay xaaladaha guud ee horumarineed, nabadgalyo iyo maamul suuban ee ka hanaqaaday deegaanka,  isagoo dhismaha wayn ee madaxtooyada iyo hoolka  sida casriga ah loo dhisay ku tilmaamay qayb wayn oo horumarka deegaanka kusoo korodhay,  sheegayna in ciyaaraha kala duwani ay qayb laxaad leh ka qaataan horumarka gaar ahaan dhanka is dhexgalka bulshada, isagoo waliba hambalyo iyo boogaadin usoo jeediyay  dhamaan kooxihii tartamada kaladuwan galay gaar ahaan kuwii kaalmaha hore galay kuna baraarujiyay in kooxihii kaalmaha hore galay ay dadaalka halkaa kasii wadaan, kuwii kalana ay ku dadaalaan sidii ay guul ku gaadhi lahaayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in deegaankeena laga helo tartamayaal ka qayb qaata tartamada ilaa heer caalam. Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ciyaaruhu ayna ku koobnaanin oo kali ah ka qayb galka ragga ee dumarkuna ay ka qayb qaataan kaalintooda  oo hadii ragu guul daraysto dumarku guul keenaan. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in xukuumada deegaaka iyo ta federaalkuba dhawaan dhagaxdhigeen dhismayaal garoomo heer caalam ah oo laga dhisi doono jigjiga iyo Q/dahar oo ugu yaraan qaadaya 50 kun oo qof. Taasina ay qeexayso in dhalinyaradu meel wayn kaga taalo xukuumada oo ay yihiin lafdhabartii xukuumada.

Sidoo kale Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarta Mudane Maxamed Bile Xasan oo ka hadlay munaasabada ayaa u hambalyeyay Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xukumada, Kooxihii soo Tartamayay Iyo Dhamaan Marti Sharafta kale ee kasoo qaybgalay munaasabada inay maanta xukuumada DDSI ay maalin wayn u tahay, farxad gaar ahna  u tahay Xafiiska Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada maadaama hoolka cusub  ee KAALI ee Madaxtooyada cusub lagu furay munaasabada xafiiska. Wuxuuna Wasiirku intaa raaciyay inay munaasabadani kaga duwantahay munaasabadihii hore dhanka anshaxa, adayga ciyaaraha iyadoo lagu kala baxayay rigoodhe iyo guulaha waa wayn ee ay soo hoyiyeen kooxaha Deegaanka oo ay kamid ahaayeen tartanka kubada cagta ee 17 jirada dalka oo ay ku guulaysteen kooxda kasocotay deegaanka, tartanka kubada cagta dumarka ee 5ta dawlad deegaaneed oo ay kaalinta koobaad ku guulaysteen kooxda kubada cagta dumarka ee DDSI, tartanka oradka 1,500 mitir oo kaalinta labaad ku guulaystay deegaanku iyo tartanka feedhka 60 kg oo degaanku kaalinta koobaad galay.

Kadibna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo uu weheliyo Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarta Mudane Maxamed Bile ayaa abaal marin gudoonsiiyay kooxiihii tartanka koobka kubada cagta ee galay kaalmaha 3aad (M,M/Qabridahar), 2aad (G/Shabeele), Iyo 1aad(G/ Af Dheer).

Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Sucaad Axmed Faarax Iyo Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Mudane Cabdishakuur Cismaan Khayre ayaa abaal marino kala duwan gudoonsiiyay kaalmihii ugu horeeyay dhinaca ciyaaraha Oradka, Laliska, Bootinta ,Ciyaarwanaaga, Goolal Badnida iyo Anshaxa.

Ugudanbayna, munaasabadan oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa soo afmeeray madaxwanaha DDSI.