CIID MUBAARAK



 

      

MW cmc oo u anbabaxay Bahardar.

Addisababa(CN) khamiis, 19, November, 2015 Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo ka kooban hogaaminta sare ee xukuumada DDSI ayaa saaka u anbabaxay xarunta dalkeena itoobiya ee Adidisababa.

Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa xarunta dalka uga sii gudbi doona caasimada dawlada deegaanka amhara ee Bahardar  maalinta bari ah iyaga oo halkaasi kaga qayb qaadan doona sanad guuradii 35aad ee  ururka dhaqdhaqaaqa dimuqoraadiyada qaranka amhara (ANDMO) ee talada deegaankaasi  haya bahwadaagtana la ah xisbiga talada wadanka haya ee EPRDF.