Ramadan Kariim 



 

      

fidinta qorsha hagaha magaalooyink waa kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha.

Jigjiga(CN) khamiis, 19, November, 2015, Wasiir ku xigeenka xafiiska  horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane axmed shugri cabdi  oo u xafiiskiisa uga  waramayay shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa ka warbixiyay dadaalada xoogan ee uu xafiisku ugu jiro taabo galinta istaraatijiyadaha kaabayaasha dhaqaale ee isku dhafan ee lagu fidinaya horumarinta magaalooyinka DDSI.

Wuxuuna sheegay in udub dhexaadka lagu hirgalinayo horumarinta magaalooyinku yahay fidinta iyo fulinta qorshe hagaha magaalooyinka oo dadaal xoogan loogu jiro sidii looga wada hirgalin lahaa dhamaanba magaalooyinka DDSI taa  oo lagu guulaystay in laga hirgaliyo magaalooyin badan oo ka mid ah magaalooyinka DDSI,  wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in hadda xafiisku bilaabay diyaarinta qorshe hagaha(master plan)  magaalada muwaarig ee gobolka liibaan, sidoo kalena laga  hirgaliyay qorshe hagaha magaalada fiiq, shiniile iyo magaalooyinka kale oo ka mid ah magaalooyinka DDSI.

waxaa  kale oo uu  tilmaamay wasiir ku xigeenku in hawlaha ugu waawayn ee hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha ay yihiin fidinta iyo adeegsiga  qorshe hagaha magaalooyinka taasi oo buu yidhi wasiir ku xigeenku uu xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI dadaalo xoogan ugu jiro meel marinta istaraatijiyadaha horumarinta magaalooyinka, gaadhsiinta dhamaanba magaalooyinka DDSI qorsha hagaha magaalooyinka si ay u noqdaan magaalooyin la jaan qaadaya kuwa caalamka.