Shir lagu qiimaynayo wax-qabadka Mashruuca Damaanad qaadka Cuntada

Jigjiga(CN) November,24, 2015 Waxaa ka furmay  xarunta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI shir lagu qiimaynayo waxqabadkii 6 bilood ee ugu danbeeyay ee  Maashruuca Shabakada Damanad-qadka Cuntada oo afka qalaad loo yaqaanno“PSNP” kaasi oo hoos yimaada xafiiska horumarinta  beeraha  iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI.

Shirkan qiimaynta ah  oo  diirada lagu saarayo  waxqabadkii qorshihii mashruuca ee 6 dii bilood ee ugu danbeeyay  nidaamka fulineed ee hab-raacyadii  lagu  hirgaliyay qorshihiisa iyo  meelmarinta  jihooyinka fulineed ee qorshaha mashruuca  iyadoo ay furitaankii shirkan ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI hawl wadeenada shaqaalaha  mashruucan oo ka socday 32 degmo ee uu mashruucani ka hawlgalo.

Waxaana furitaankii shirkan ka hadlay Wasiir ku xigeenka  xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah  ee DDSI  mudane guuleed aw cali kaahin isaga oo  sheegay in sanadihii ugu danbeeyay deegaanka ka  hanaq-qaaday isbadallo horumarineed oo wax lagaga badalayo nolosha shacabkeenna,  Siyaasadaha  waxa ka mid ah horumarinta reer miyiga iyo reer guuraaga oo lagu kobcinayo awoodda wax-soosaar  iyo  nolosha guud ahaan dadwaynaha deegaanka.

wasiir ku xigeenku mar uu ka waramayay ahmiyada uu leeyahay marshruucani ayaa waxa uu yidhi “ Maashruuca Shabakada Damanadqadka Cuntada oo afka qalaad loo yaqaanno“PSNP” ayaa ka mid ah istiraatijiyadaha siyaasaddan loo adeegsaday.  Mashruucan waxa ujeeddadiisa ugu wayni tahay kaalmeynta qaybaha bulshada ee hayntoodu hoosayso ee ku tiirsanaa gargaarka raashimeed, iyada oo ujeeddooyinkiisa gaarka ahina yahay Ka hortagidda hoos u dhaca hantida ee qoysaska damaanada cuntadoodu ay liidato ee ku nool deegaanka Dhiiri-galinta iyo xoojinta suuqa, iyohorumarinta adeegyada iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ee degaanka”

wasiir ku xigeenku mar uu ka hadlayay waxqabadka mashruuca ayaa waxa uu tilmaamay  in uu wax wayn ka qabtay  Ilaalinta Degaanka; (Terraces, Stone bunds etc) 81,172 KM, ka hortagga carro-guurka iyo xaalufka (gully controls) 59641.9 M3 , qodaalka biyo-qabatinnada 655 goobood,  Dhismaha kanalada Waraabka  biyaha 509km  Goobaha dhirta lagu xanaaneey  57 goobood  Taas oo lagu soo saaray dhir ka badan boqolaal kun oo geedWaddooyinka 5274km  iyo waliba Dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee bulshada. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in uu mashruucani siwayn uga qayb qaatay xoojinta dhinaca waxbarashada, caafimaadka dadka iyo kan xoolahaba iyo waliba awood siinta xarumaha tababarada   ( FTC)

Isku so wada duub oo Mashruucan oo degaankeenna ka bilawday sanadkii 2008TY, waxaa marki ugu horaysay lagu bilaabay 6 Degmo, iyadoo sanadki dhamaadki 2009TY  lagau daray 9 Degmo Hasayeeshee bilawgii sanadki 2011 lagu daray 17 Degmo taas oo tirade guud ka  dhigay 32 Degmo.oo degaanka.  28 degmo waxa mashruucan  fulintiisa leh  Dawladda halka 3 degmona ay ka fuliso hayadda Save The Children International. Tirada guud ee  ka faa-iidestayaasha barnaamijkan damaanad qaadka cuntada  ayaa soo kordhaysay marba marka kadanbaysay. Tirada ka faaiidaystayaasha mashruucan ee   deegaankeenu ayaa  hadda  gaadhaysa  729,390 qoys.  Shirkana qiimaynta ah ee lagu lafa gurayo waxqabadka  mashruucan iyo hirgalinta qorshayaashiisa horumarineedna  waxa uu socondoonaa mudo 5 maalmood ah