Ramadan Kariim 



 

      

Mustafe:Safiirka Shan Wadan

Jigjiga(CN) Khamiis, 26ka Nov.2015, Sidaad warkayagii hore kula socoteenba, madaxwaynaha JDFI mudane Dr. Mulatu Tashome ayaa maantasafiir awood buuxda iyo wakiilasho leh u magacaabay mudane Mustafe Deeq Cabdisalaam.

Hadaba Mustafe oo ah nin da’yar ayaa loo magacaabay Safiirka 5 wadan oo ay kamid yihiin: Zimbabwe, Namibia, Malawi, Angola iyo wadan kale iyadoo lagaduulayo heerka aqoontiisa oo aad u saraysa, kartidiisa, khibradiisa dheer, luuqadaha badan ee uu kuhadlo iyo talabixinta uu XDSHSI kagudbiyay taasi oo wax wayn katari doonta awoodiisa hogaamineed ee mustaqbalka.

Mustafe ayuuna fadhigiisu noqon doonaa magaalada Harare ee caasimada wadanka Zimbabwe.