Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska maaliyada iyo H.DH oo tababar ka furay jigjiga.

Jigjiga (CN) Sabti, November, 28, 2015 Waxaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga Tababar uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kaasi oo loo qabtay dhamaan masuuliyiinta xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu tahay  sidii loo sii adkayn lahaa, fahan durugsana looga siin lahaa masuuliyiinta degmooyinka iyo maaulada magaalooyinka DDSI  ee xafiisyada maaliyadaha nidaamka shuruucaha maaliyadeed,qorshaynta, nidaamka miisaaniyadaha,kharash bixinta, maaraynta lacagaha, xisaabaadka, iibka maamulka hanida,nidaamka hantidhawrka gudaha iyo waliba barnaamijka cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed (FTA)

Tababarkan oo ay furitaankiisii hogaaminayeen masuuliyiinta xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane jamaal  faarax warmooge wuxuuna sheegay in hada deegaanka iyo dalkuba ku  jiro bilowgii hirgalinta qorshaha isbadalka  koboca dhaqaalaha ee jaan qaadka 2aad (GTP2) taasina fulinteedu tahay in lagu dhaqaaqo xawaare aad u dheeraynaya si  hore loogu gaadho wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay loo gana midho dhaliyo qorshahaasi 

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenku si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani oo uu sheegay in uu qayb ka  yahay sii  xoojinayo gaadhida qorshaha  si daasi dar-teedna  loo baahan yahay in   masuuliyiinta xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyin  fahan buuxa ka qaataan jihooyinka shuruucaha maaliyadaha casriga ah ee ka jira dalka iyo caalamka lagana soo saaridoono sii xoojint hirgalinta shuruucaha maaliyadaha Isaga oo wasiir ku xigeenku  ku booriyay  masuuliyiinta ka soo qayb gashay tababarkan in ay si mug leh uga qaybqaataan inta uu socda fahan buuxana ka qaatan.

 

Tababarkani oo socon-doona mudo 10 maalmood ah ayaa   Gadhwadeenada Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DDSI ay si balaadhan ugu  soo bandhigi doona cashiro ku taxa luqa sii xoojinta iyo awood siinta  Nidaamka helista  Xogaha Horumarineed oo hufan, Dabagalka khayraadka dibada iyo haya’daha aan dawliga ahayn, maamulka lacagaha marin marinada koowaad iyo labaad ee deeqaha dibada (Financial management system of Channel one and channel two programs), Nidaamka diyaarinta Qorshaha natiijada ku salaysan iyo geedi-socodka Miisaaniyad diyaarinta, nidaamka Maamulka kharashbixinta iyo Xisaabaadka, Shuruucda Iibka Dawlada, ahmiyada hantidhorka gudaha iyo shuruucda Hantidhowrka gudaha iyo  nidaamka adeegsiga aalada casriga.