MW CMC Oo U Ambabaxay Gobolada Jarar, Qorraxey Iyo Doolo

Qabridahar(CN) Axad, 29ka Nov. 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti aad u balaadhan ayaa saaka xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka gobolada jarar, qorraxey iyo doolo.

Socdaalkan madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminyo oo lamagacbaxay Socdaalka Horumarka Cagaaran ayay ujeedadiisu ahayd dhagaxdhiga iyo bilowga biyo-xidheeno waa wayn oo laga fulinayo meelo kamid ah goboladaasi iyadoo biyo-xidheenadan looga faaiidaysan doono dhanka waraabka beeraha si waxsoosaarka iyo dhaqaalaha deegaanku sare ugu kacaan, iyo isticmaalka dadka iyo duunyadaba

Hadaba, xiliguu madaxwaynaha iyo waftigu soo gaadheen xarunta gobolka jarar ee dhagaxbuur oo kubeegnayd duhurkii ayuu madaxwaynuhu kulan wadatashi ah laqaatay odoyaasha gobolka isagoo sheegay in bulshadu maanta uguntato horumarka dhanka waxsoosaarka beeraha iyo shaqo si looga baxo saboolnimada.

Madaxwaynaha ayaa intuu socdaalka kujiray booqday mashruuc biyo-xidheen ah oo kasocday qabalaha Hoodaale ee degmada Dhagaxbuur. Wuxuuna bogaadiyay sida quruxsan ee shaqada mashruucu usocoto isagoo u mahadceliyay maamulka gobolka jarar iyo kadegmada dhagaxbuurba kuna booriyay inay sii labajibaaraan shaqada dhamaystirka mashruucan.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana ugu horayn dhagax-dhigay mashruuca biyo-xidheenka wayn ee qabalaha Beka oo ay kubaxayso aduun dhan 129milyan isagoo mashruucani waraabin doona in kabadan 2,500 oo hectar oo dhulbeereed ah, bulshada aagaas iyo xoolahaba.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu dhagaxdhigay mashruuca biyo-xidheenka wayn ee Goomaar-Shaygoosh oo ay kubaxayso kharash dhan 174milyan. Mashruucan ayaana loogu talagalay inuu waraabiyo dhul-beereed kabadan 3,000 oo hectar, dadka iyo duunyada aagaasi kunool intaba.

Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa xili maqribkii ah dhagax-dhigay mashruuca biyo-xidheenka wayn ee qabalaha Wijiwaaji. Mashruucan oo dabooli doona waraabka baahida biyaha dhul-beereed kabadan 3,000 oo hectar, dadka iyo xoolaha dagan aagaas ayaa waxaa kubaxaya kharash dhan 155milyan.

Madaxwaynaha iyo waftiga  oo amin habeenimo ah galay xarunta gobolka qorraxey ee magaalada qabridahar ayaa u dheelman doona guriga martida ee MM Qabridahar iyadoo wali socdaalku sii socdo oo ay jiraan goobo kale oo ladhagaxdhigi doono.