Ramadan Kariim 



 

      

Xuska Sanad guurada 28aad ee maalinta ka hortaga iyo xakamaynt cudurka HIV/ADISKA.

Jigjiga (CN) December, 1 2015,  Waxaa maanta guud ahaanba dalkeena itoobiya si balaadhan looga xusayaa sanad guuradii 28aad ee xuska maalinta ka hortaga  iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA iyada oo guud ahaanba caalamka sanad kasta laga xuso 1 December oo ku beegan maanta.

Haddaba munaasabada xuska maalinta ka hortaga cudurkaasi  oo uu soo diyaariyay  xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ ADISKA DDSI  oo kaashanaya hay’adaha ay bahwadaagta yihiin  ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX ee jigjiga.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudaner mawliid haayir xasan, wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane bashiir xirsi ismaaciil, wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA DDSI marwo faaduma cabdilaahi takhal, wasiirka maalgalinta DDSI mudane cabdinaasir maxamed, wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane bashiir cabdilaahi maxamed, qaarka mid ah  saraakiisha  ciidamada qaranka, ciidanka booliska gaarka ah shaqaalaha dawlada, odayaasha deegaanka, culimo awdiinta, kooxda fanka iyo suugaankta deegaanka,  ardayda dugsiyada iyo marti sharaf kale.

munaasabadan oo ay kooxda fanka iyo suugaanka DDSI ku soo bandhigayeen heese wacyigalin ah iyo riwaayado ka turjimaya siyaabaha looga hortaga cudurka HIVGA ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA marwo faaduma cabdilaahi takhal.

Waxaya sheegtay in  sanad kasta  1 December caalamku isla qaatay in ay tahay maalinta xuska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA taasi oo dalkeena itoobiyana maanta laga xusayo markii 28aad waxaa kale oo ay wasiiradu tilmaantay dadaalada xukuumada DDSI  iyo xafiiskuba  ugu jiro ka kortaga iyo xakamaynta cudurka. Waxaana hadaladii wasiirada ka mid ahaa” sida aan wada ogsoonahay cudurka HIV/ADISku  waa cudurada sida xun u wax-yeeleeyay caalamka gaar ahaan qaaradeena Africa wuxuuna ka mid yahay xanuunada aan wali lagu guulaysan in si buuxda aan dawo loogu helin kaalmayn mooyaane waxaa xusid mudan in dawlada JDFI, teena DDSI iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiinba dadaal balaadhan u galeen uguna jiraan sidii loo xakamayn lahaa xadiga faafida cudurka HIV/ADISKA”.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan  ayaa ka soo jeediyay munaasabada xuska khudbad ka ku salaysan jihooyinka lagu xakamaynayo cudurka dilaaga ah waxaanu yidhi madaxwayne ku xigeenku”mudanayaal iyo marwooyin cudurka HIV/ADISku maaha cudur ku eg dad qudh ah waana cudur aan u kale eegayn midab, diin,  qabiil,taajir iyo faqiir  midna waana cudur ku dhicikara cidkasta oo iska ilaalin wayda sidaasi daraadeed ka hortagiisu waa nidaamka kaliya ee lagu xaqiijin karo caafimaadka qofka iyo bulshada.

Wuxuuna madaxwayne ku xigeenka sheegay  in xukuumada DDSI oo kaashanaysa tan fadaraalka iyo haay’adaha bahwadaagta in ay si balaadhan u sii jooxinayaan sidii loo xakamayn lahaa faafita cudarka siina xoojinayaan awood siinta hawlaha ka hortaga cudurkan ee uu wada xafiiska HIV/ADISka ee DDSI isaga oo madaxwayne ku xigeenku ku booriyay bulshada in ay si buuxda ula halgamaan ka kortaga iyo faafida cudurkan.

Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay” si aanu qofna u qaadin cudurka HIV/ADISKA intaan masuuliyadeeda ka soo baxno ayaa ku xaqiijinaynaa horumarka wadankeena” ayaa intii ay  socotay waxaa lagu soo bandhigay tartan ay ardayda dugsiyadu ku tartamayeen su’aalo ku saabsan siyaabaha looga hortaga cudurkan iyo siyaabaha uu ku faafo. Taasi oo ay ku guulaysteen ardayda ka socoday dugsiga hoyga agoonta ee jigjiga.waxaana ugu danbayntii madasha ay ka socotay xafladani lagu gudoonsiiyya abaalmarino ardaydii ku guulasatay su’aalaha ,xafiisyo iyo shaqsiyaad waxka qabtay dhinaca wacyigalinta cudurka taasi oo ay siwada jir u gudoonsiiyeen madaxwayne ku xigeenka DDSI mudane mawliid haayir, wasiirkada xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKa marwo faadumo cabdilaahi takhal iyo wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane bashiir xirsi ismaaciil.