CIID MUBAARAK



 

      

Kulan lagu taageerayo socdaalka horumarinta cagaaran oo ka dhacay Birmingham.

Birmingham (CN) 03/11/2015 kulankaasi oo ahaa  mid  si weyn loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka   soo qeybgalay  Gudiyada  jahliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK, waxaana  lagu taageerayay kulankaasi  Waftigii balaadhan ee  uu Hogaaminayay Madaxweynaha DDSI ay Ku Wehlinayeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada DDSI ee  oo loogu Magac Daray Socdaalkii Horumarinta Cagaaran .

kulankan  oo ahaa  mid si meeqaam sare ah loo soo diyaariyay  ayaa waxaa ka  hadlay gudiyada jahliyada, haweenka jahliyada, odayaasha iyo waxgarad kale   kuwaasi oo cabbiray dareenkooda ku aaddan sida ay u arkaan  Socdaalkan laagu Magac Daray Socdaalka Horumarinta Cagaaran ee uu  Madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Wafdiga uu hogaaminayaa ay ku marayaan   qaarka mid ah gobolada deegaanka ee loogu kuurgalayo heerka ay taagan yihiin hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee bulshada lagaga saarayo  saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.


kulankaa ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ugu horayntii ka hadlay Shekh Dayib oo ka Mid Ah Culimada Ugu Weyn Dalka UK  oo ku hadlayay magaca Odayaasha Dhaqanka DDSi Ee Magaalada Birmingham isaga oo u mahad celiyay dadkii soo agaasimay  munaasabaddaan iyo waliba jahliyada sida diiran uga soo qaybgashay   munaasabadda isaga oo sheekhu sheegay  in aad u Soo Dhaweynayo Taageerayaana  Socdaalka Horumarinta Cagaaran ee loogu kuurgalayo nolosha bulshada iyo hirgalinta mashaariicaha horumarineed.

Waxaa kale oo isna  ka hadlay madashii ay ka socotay  munaasabadani  Eng C/casiis Xasan Cabaade oo sharax dheer ka bixiyay  ujeedada iyo ahmiyada ay leedahay munaasabadani ee loo qabtay kaasi oo sheegay in ay tahay soo bandhiga dareenka farxadeed  iyo  taageeraan ay jahliyadu u qabto  Socdaalka Horumarinta Cagaaran uu Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa Ay ku Marayaan Gobolada.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka jahliyada  DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee Uk ,  iyo waliba gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka DDSI ee Birmingham marwo  Ayaan Xasan oo ahaa dadka sida wayn u soo agaasimay munaasabadan ayaa ku dheeraaday taaagerada balaadhan ee ay jahliyada la garabtaagan yahay socdaalka horumarka cagaaran ee madaxwayna DDSJ iyo waftigu ku marayaan qaarka mid ah gobolada deegaanka waxayna ka warbixiyeen horumarka balaadhan ee wakhtiga yar ku hirgalay.

 

 Aqoon yahay kii  iyo waxgaradkii kale oo munaasabadaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali, Shekh Cabdiraxmaan, ugaas Cabdinaasir,   Ugaas Xasan , Gudoomiyaha Ururka Haweenka DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee Uk ,  Abdiaskar.  Munaasabadan oo ay  jahliyadii ka hadashay aad u badnayd  oo magacyadooda halkan aan lagu Soo Koobi Karin ayaa Dhamaan Waxay Taageereen Socdaalka Horumarinta Cagaaran ee lagu sii xoojinaya hirgalinta qorshyaasha horumarineed.