CIID MUBAARAK



 

      

Kormeerka shaqo ee gudoomiyaha gobolka Qoraxay.

Shilaabo(CN) isniin, December, 7,2015   Gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane yuusuf Adan yuusuf ayaa kormeer shaqo ku maraya tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka shilaabo iyo dhoobawayn ee gobolka qoraxay. Kormeerkaasi  oo uu gudoomiyaha ku wehelinayay gudoomiyaha degmada shilaabo mudane ahmed shun sugule ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd u kuur-galida heerarka ay marayaan mashaariicaha horumarineed ee ka socda tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi.

 

Kor-meerkaasi shaqo ee uu gudoomiyaha ugu kuurgalayay hirgalinta mashaariicaha ayaa waxa uu kulamo kula qaatay tuulooyinka caleen iyo bali-wiriir ee hoos yimaada degmada shibaalo  qaybaka kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulooyinkaasi waxayna bulshada iyo gudoomiyuhu iska xogwaraysteen sidii loo dar dargalin lahaa mashaariicaha isaga oo gudoomiyuhu u sheegay bulshada doorka ay ku leeyihiin hirgalinta mashaariicaha horumarineed.