Waftigii DDSI oo hadhimo sharafeed loogu sameeyay ambassador huteel.

Hargaysa(CN)talaado,  8, Decembe 2015, rWaxa maanta waftigi DDSI ee uu  hogaminayay Wasirka Ganacasiga iyo Gadiidka DDSi Mudane Khadar Cabdi Ismaacil  ee ay ku wehelinayaan masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI Hadhimo sharfeed lagu sameyay hotelka Ambassador ee  hargaysa.

 Hadhimo sharafeedkan  ayaa waxa waftiga DDSI u sameyay Wasirka Madaxtoyada Somaliland Mudane Maxamud Xaashi, waxaana hadhimo sharafeedkan lagu maamuusayay waftiga DDSI kala soo qaybgalay qaarka  mid ah masuuliyiinta sare ee Somaliland oo ay ka mid mid yihiin Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxweynaha Mudane Muuse Bixi Cabdi, wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Mudane Dr. sulayman Ciise Axmed (Xagalotosiye), Wasirka Cadalada somaliland  Mudane Axmed Farax Cadare, wasirka Duulista Hawada Somaliland  Mudane Cadaani,  Gudomiyasha Gobolada Awdal iyo Gabiley iyo Agasimaha guud wasarada Warfafinta Mudane Maxamed Cilmi (ilka case), wasiiru dawlaha madaxtooyada Somaliland mudane maxamed muuse iyo xoghayaha madaxwaynaha Somaliland mudane cali maxamed cali.

 

Wasiirka gaagiidka iyo ganacsiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil  oo ka hadlay madashaasi hadhimo sharafeedka loogu sameeyay waftiga ayaa si wayn ugu mahad naqay masuuliyiinta Somaliland iyo shacabka Somaliland sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Somaliland iyo waliba masuulkan maanta hadhimo sharafeedka u sameeyay isaga oo wasiirka ka warbixiyay xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dawladood iyo shacabka walaalaha ah ee labada dal iyo jihooyinka lagu soo xoojinayo xidhiidhka walaalnimada ah.