Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabada xuska 10aad ee 29ka hidaar oo si meeqaam sare ah looga xusay jigjiga.

Jijiga(CN) arbaca, 9, December, 2015, Waxaa maanta guud ahaanba dalkeena itoobiya si balaadhan laagu tabaal dagayaa munaasabada xuska 10aad ee 29ka hidaar oo ah maalin ku suntan kuna wayn quluubta iyo qalbiyada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, taasi oo maanta  heer qaran lagu qabtay deegaanka ganbeela.

haddaba munaasabada xuska 10aad ee 29ka hidaar ayaa si balaadhan loogu xusay xarunta deegaanka ee jigjiga, munaasabadaasi oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCS.

Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarayasa xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSJ ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad ahmed faarax, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awood maxwayne ku xigeen mudane cabdicasiis maxamed cabdi, golaha wasiirada DDSI, shaqaalaha dawlada, masuuliyiinta iyo maamulada xaafadaha jigjiga, odayaasha dhaqanka deegaanka,haweenka dhalinyarada iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta ee DDSI.

munaasabadan oo halku dhig looga dhigay;- ka qaybgalka qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaan kor ugu sii qaadaynaa isbadalka koboca dhaqaalaha oo ay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ku soo bandhigayeen heeso iyo dhaantooyin ka turjimaya ahmiyada ay xuska 29ka hidaar ay u leedahay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane axmed maxamuud axmed oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska 29ka hidaar wuxuuna sheegay in ay tahay maalintii xaqiijisay jiritaanka xuquuqaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, isaga oo maariryu si qoto dheer uga warbixiyay dhibaatooyinkii, cadaadisyadii iyo cabudhiskii ay soo mareen qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya gaar ahaan shacabka deegaanka balse maanta xuskan lagu xusayo horumar dhinaca kasta leh.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee  DDSI marwo sucaad axmed faarax ayaa ka soo jeedisay munaasabadan khudbad nurux keedu tahay ahmiyada ay leedahay 29ka hidaar  waxayna ugu horayntii madaxwayne ku xigeenku salaan hanbalyo ah u dirtay dhamaan shacabka deegaanka soomalida itoobiya meel masta oo ay joogaan,

Waxayna madaxwayne ku xigeenku xustay in qarniyo badan qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ay ku soo jireen cadaadis iyo cabudhis aad u wiiqay nolosha bulshada taasi si cad loogu xad gudbay jiritaanka iyo xuquuqaha qoomiyadaha balse markii la iska dulqaaday heeryadii cadaadiskaasi ay dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya si siman uga faa’iidaysteen neecawda horumarka iyo xasiloonida,

Madaxwayne ku xigeenka iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in xuska maanta sida quruxba badan loogu dabaaldagayaa ku soo beegmay wakhti guulo dhumucwayn laga soo hooyay kor u qaadida koboca dhaqaalah, nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kor u qaadida heerka adeegyada aas aasiga ah sida caafimaadka,waxbarashada, biyaha,beeraha iyo  ka faa’iidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka.

Saynab xaaji aadan oo ah ku simaha wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDS ayaa ka warbixisay  fursadaha horumarineed ee ay haweenku ka heleen curashadii itoobiyada cusub gaar ahaan  kuwa deegaanka soomalida itoobiya sanadihii ugu danbeeyay heerka ay maanta taagan yihiin oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xukuumada DDSI

Waxaa kale oo ka hadlay munaabadaban cabdilaahi maxamed cabdi  oo ku hadalay  magaca dhalinyarada deegaanka isaga oo ka  warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani ayaa waxa uu sharax dheer ka bixiyay  fursadaha horumarineed ay dhalinyarada deegaanku ka heleen itoobiyada cusub maadaamo oo ay yihiin laf-dhabarta deegaanka.

 

Suldaan khadar oo ku hadalyay magaca odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa si qoto dheer isku bar bardhigay itoobiyadii hore ee hadafkeedu ahaa cadaasika qoomiyadaha iyo itoobiyada cusub ee ay istaatajiyadaheeda iyo hiigsigeedu yahay  sidii qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya loo gaadhsiin lahaa horumar buuxo oo dhinac kasta leh taasi oo ay ka dhexleen dastuurka mideeyay qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya.