Kulan Lagaga Hadlayay Hirgalinta Barnaamijyada Dib- U habaynta Shaqo

Jigjiga(CN) Khamiis, 10kii December 2015, Kulan uu soo diyaariyay Xafiiska adeega shacabka & kobcinta maamulka ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska.

kulankan oo loogu yeedhay 18 hay’adood oo dawli ah oo ah haaydihihii sanadihii udanbeeyay la aas aasay ayay ujeedadiisu ahayd adkaynta hirgalinta maamulka suuban iyo aaladaha barnaamijyada dib uhabaynta shaqo sida  BPR ,BSC, ciidanka hormar (Change Agent).axdiga muwaadimiita (Citizen Chart).

Hadaba  shirkan ayaa waxaa kahadlay wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka Marwo Maajida Maxamed Maxamud” oo sheegtay  in hay’adahani ay yihiin intooda badan wakaalado kuwaasoo la aas aasay shantii sano ee udanabaysay islamarkaana larabo inay xoojiyaan hirgalinta barnaamijyada maamulka suuban sida Geedi socodka Dib-uhabaynta shaqo (BPR) halbeega waxqabadka isu dheeli tiran ( BSC), ciidanka hormarka, soo saarida ilaha dul-saarnimada. Waxuu wasiirku hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in masuuliyiinta wakaaldahani ay xil iska saaraan hirgalinta waxyaabaha kadhiman xafiis kasta.

Sidoo kale waxaa kulankan  ka hadlay Agaasinka Kobcinta Hay’daha Dawliga ah Mudane Muxumed Cllaahi Qaloonbi oo sheegay in waaxdu ay masuul katahay dhamaan hirgalinta iyo ku dhaqanka barnaamijyadan islamarkaana ay kudabagalayaan hay’ad kasta, waxa uuna intaa ku daray masuulku in wakaaladaha aan samaynin daraasaadkii BPR ka ay warbixintooda u soo diraan xafiiska isagoo  hadalkiisii ku gaba-gabeeyay in ay xil iska saaraan masuuliyiintu hirgalinta barnaamijyadan caqabadaha ka horyimaadana ay lasoo socodsiiyaan xafiiska.