CIID MUBAARAK



 

      

Wafti ka Socday Soomaliland oo si diiran loogu soo dhaweeyay jigjiga.

Jigjiga(CN) Axad, 13ka December, 2015, Wafti culus oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha  wakiilada  soomaliland mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (ciro) ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee garaad wiil waal International airport jigjiga.

Waxaana halkaasi si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awooda madaxwayne ku xigeen mudane cabdicasiis maxamed cabdi iyo qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI.

 

Waftigan oo ku nastay qolka nasashada ee madaarka  ayaa iyaga iyo waftigii soo dhaweeyayba  u soo kicitimay xarunta madaxtooyada DDSI, waftigan ayaa inta ay joogaan xarunta deegaanka kulamo la yeelan doona masuuliyiinta sare  xukuumada DDSI iyada oo ay ujeedada socdaalkoodu tahay sii adkaynta  xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya dawlada deegaanka somalilada itoobiya  iyo somaliland.