CIID MUBAARAK



 

      

Xaflada furitaanka ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha(polio).

Jigjiga(CN),Arbaco,16ka December, 2015 Waxaa guud ahaanba maanta  ka bilowday deegaanka wareegii 18aad  ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio) oo laga talaalayo caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir.

Haddaba xaflada   lagu daah furayay wareega 18aad ee ol olaha talaalka ka hortaga iyo cidhib tirka   cudurka dabaysha(polio) oo uu si meeqaam sare ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska   ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo  carurta DDSI.

waxaa ka soo qayb-galay xafladii daah-furka masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI,masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo  marti sharaf kale.

Xafladan oo  ay bilowgeedii kooxda fanka iyo suugaanta ee liyuu band ku soo bandhigeen heeso iyo dhaantooyin ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay ka hortaga cudurka dabayshu ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay ku simaha wasiirka  xafiiska caafimaadka DDSI  ahna agaasinka waaxda qorshaynta ee xafiiska mudane Xasan Ismaaciil  oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu  leeyahay  talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano jir, isaga oo sheegay in xafiisku oo xoojinayo  dalaalka joogtada ah ee la siiyo caruurta dadoodu ka yar tahay  halka sano jir  kaasi oo si joogta ah uga socda dhamaanba goobaha caafimaadka ee DDSI. Kuna booriyay bulshada deegaanku in ay ka qaybqaataan talaalka caruurta.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii xafladan  gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaad ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane caydaruus axmed oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka  cudurka dabaysha(polio), Isaga oo si mug leh ugu booriyay waalidiinta in ay caruurta da-doodu ka yar tahay shan jir u diyaariyaan talaalka, sidoo kale waxa uu mamuulku kula dar-daarmay dhamaanba xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka ee fulinaya ol-olahan in ay u fuliyaan sidii loogu talagalay gaadhsiinaayna goobkasta iyo gurikasta.

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxay  agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 18aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha ay ku tiixiyeen/dhib-ciyeen caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.