Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagu Qiimaynayay Mashaariicihii Horumarinta Waraabka Gobolka Sitti

Diri-dhaba(CN) khamiis, 17ka December 2015, Waxaa gallinkii danbe ee maanta hoolka shirarka M.A Hotel ee Magaalada Diri-dhaba ka furmay shir lagu qiimaynayay mashaariicaha horumarinta waraabka ee looga faa’iidaysanayo dhanka wax soo saarka beeraha ee Gobolka Sitti.

Kulankan oo ay hogaaminayeen Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha Iyo Warshadaha Mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Waxbarashada Mudane Mowliid Haayir Xasan, mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Sitti, mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka iyo Hay’adihii lahaa fulinta mashaariicdan.

Hadaba, kulankan oo ahaa mid lagu qiimaynayay mashaariicihii waraabka gobolka sitti ayaa gaar ahaan diirada lagu saarayay sidii mashaariicihii ceelasha ee laga qoday qabalaha Harawa iyo Gabi bulshada looga faa’iidayn lahaa, si bulshada gobolka looga saaro saamaynta isbadalka cimilada ee roob la’aanta keenta loona gaadhi lahaa taaba galinta horumar waara oo ku salaysan wax soo saarka dhulka.