MW CMC Oo ku sugan Gabi.

Gabi(CN) jimce, 18, December, 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa raashin qaybintii qabalaha xaariso iyo kulankii qiimaynta mashaariicihii horumarineed ee gobolka sitti kadib saaka u ambabaxay tuulada gabi ee degmada hadhagaala. 

Madaxwaynaha oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasirka horumarinta magalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane cabdixakiin cigaal iyo wafti balaadhan ayaa haatan kusugan qabalaha gabi iyadoo ujeedada socdaalkoodu yahay kormeer indha-indhayn ah oo lagu eegayo mashaariicaha biyaha ee laga hirgaliyay gobolka iyadoo socdaalku uusan ku ekayn kali ah qabalahan balse lasii soconayo ilaa qabaleyo iyo degmoyin kal.

Dhanka kalana, ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa raashin deeq ah oo dhan 300 oo kiish oo isugu jira: bur, bariis, sonkor iyo 1,000 xabo oo caanaha anchorta ah uqaybiyay shacabka dagan qabalaha Fadhato ee degmada shiniile.