CIID MUBAARAK



 

      

MW CMC 0o Ku Soo Laabtay Xarunta.

Jigjig,(CN) , sabti, 19ka December, 2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan uu hogaaminayo oo xalay u dheelmaday qabalaha Gebi ee degmada hadhagaale, ayaa saaka u soo anbabaxay dhanka magaalada shiliine ee xarunta gobolka siti, iyaga oo   maanta galinkii danbe ka soo  anbabaxay  magaalada shiliile waxayna ku soo    laabteen maqribnimadii caawa  xarunta deegaanka ee jigjiga.

 waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, oo socdaal shaqo ugu maqnaa maalmihii ugu danbeeyay gobolka siti,  ayaa dadka  dan yarta ah ee ay abaarta   cimilada isbadashay  keentay   saamaysay  ee ku dhaqan gobolka Siti gaadhsiiyay  deeqo gar-gaar ah oo raashin ah sidoo kale  waftigan ayaa mudadii ay joogeen gobolka siti  u kuur-galay xaalada abaaraha, qiimayna ku sameeyay gudiyada wax qabadka xaaladaha abaraaha.  Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa  diirada  saaray  heerarka ay marayaan mashaariicaha horumrineed ee ka socday gobolka siti, waxaa kale oo xusid mudan in  madxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu  xadhiga ka jaray mashaariico horumarineed oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad.