Jaaliyadda DDSI Birmingham oo doortay Gudoomiye Cusub

Birmingham(CN) axad 20ka, December, 2015 Waxay Doorasho Ka Dhacday Magaalada Birmingham Ee Caasimada 2aad Ee Dalka UK, Taas oo Lagu Doortay Hoggaanka Cusub Ee Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham

Doorashadan Oo Ay Soo Qaban-Qaabiyeen Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSi Ee Magaalada Birmingham Ee UK Ayaa Waxaa Ku Tartamayay Labo Musharax

Ugu Horreyn, Waxaa Xafladda Ka Hadlay Guddoomiyaha Gudiga Fulinta Ee Guddiga Doorashada, Eng Abdi Aziiz Cabaade Oo Ku Booriyay Jaaliyadda Inay Si Hufan U Dhiibtaan Codkooda, Isagoo Sharraxaad Ka Bixiyay Xeerarka Doorashada.

Gudiga Fulinta Jaaliyadda Oo Ka Kooban 15 Xubnood Oo Kasoo Qayb-Gashay Doorashada Ee Codkooda Ka Dhiibanaya Doorashada Kaddib Ayaa La Guda-Galay Codeynta, Waxaana Codeynta Kaddib Ay Guddiga Fulinta Doorashada Ku Dhawaaqeen Natiijada Cod-Bixinta, Iyadoo Sheegay Inuu Helay Murashax Halkaasi Codbuuxa Gudiga Fulinta Jaaliyadda Ay Ku Doorteen Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi Oo Xilka Haynaya Muddo Sanad Ah.

In Uu Hoogaaminyo Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK Bile Maxamed Siyaad Shekh dhayib Doorashada Kaddib Waxaa Goobta Ka Hadlay Munaasabadda Shekh Maxamed Dhayib Oo U Mahad-Celiyay Gudiga Doorashada Ee Howsha Wanaagsan Ay Qabtay, Iyagoo Ka Codsaday Jaaliyadda Inay La Shaqeeyaan Hoggaanka Cusub.
Sidoo Kale. Waxaa Isna Xaflada Khudbad Ka Jeediyay Eng Abdi Aziiz Cabaade Isagoo Ka Warbixiyay Howshii Adkayd Ee Uu Soo Dhabar-Adeygeen Si Ay U Helaan Nidaam Iyo Inay Soo Doortaan Hoggaanka Cusub Ee Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham.

Mas’uuliyiinta Kasoo Qayb-Gashay Doorashada Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Maxamed Cali Oo Xafladda Ka Hadley Ayaa Isagana Faah-Faahin Dheeraad Ah Ka Bixiyay Waxqabadkoodii Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Oo Doorwanaagsan Ka Ciyaaraan Taageerida Maamul Wanaaga DDSi Inta Ay Xilka Hayeen.

Guddoomiyaha Cusub Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham, mudane  Bile Maxamed Siyaad Oo Isna Hadlay Ayaa Wuxuuna Ballan-Qaaday Xilka Loo Egmaday In Uu Ka Soo Bixi Doono Siina Laba Jibaari Doono Dadaal Iyo Dardargalinta Isagoo Carabka Ku Adkeeyey Inuu Howlaha Shaqo Ee Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda Si Wada Jir Ah U Wada Shaqeyn Doonaan.

Mudane Cali Takhal Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi Ee UK Oo Khadka Telfoonka Kaga Qeybgalay Ayaa Hambalyo U Diray Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham Iyo  Gaar Ahaan Gudoomiyaha Cusub Bile Maxamed Siyaad Oo Ugu Hambalyeeyay Wuxuuna Si Aad Ah Uga Waramay Taariikhda Dheer Ee Jaaliyadda DDSi Birmingham Ku Leedahay UK  In Waqtigooda U Hureeny In Ay Markasta Ay Garab Taagan Yihiin Xukumadooda DDSI Oo Ay La Halgamayaan Codowga DDSi Ayna Iskaashan Doonaan Howlaha Wada-Shaqeyn Arrimaha Jaaliyadda Isla Markaana Ballan-Qaadey Inu La Shaqeyn Doonto.

Marwo Farxiyo Cabdiqaadir Gudoomiyaha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee Birmingham Ayaa Qaabki Ay Doorashada U Dhacday Ku Tilmaamtay Hab Caalami Ah Kalsoonina Ku Beereysa Murashax Kasta Oo Tartamaya Hogaan Jaaliyadeed Ayeey Ku Sheegtay  In Ay Ka Muuqato Isku Xirnaan Iyo Maamul Wanaag Iyadoo Si Wayna Gabdhaha Ugu Boorisay Xagooda In Ay Ku Biiraan Hogaaminta, Waxay Dhanka Kale Guul U Rajeesay Gudoomiyaha Cusub Ee Jaaliyadda Birmingham.

Sidoo Kale Waxaa Ka Hadashay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Birmingham Ee UK Marwo Ayaan Xasan Amusane Oo Hambalyo U Dirtay Gudoomiyaha Cusub Waxeyna Sheegtay Sidii Horey Aanu Ula Shaqeyn Jirnay Gudoomiyihii Hore Ee Jaaliyadda Birmingham Bashiir. Aanu Ula Shaqeyn Doono Hadaba Waxaanu Leenahay Shaqo Wanaagsan Mudane Bile Maxaned Siyaad Noqo Kii Xilkiisa Guta Si Daacad Ah.

Abdiraxmaan xaaji siraajWaxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Shekh Cabdiraxmaan Xaaji Siraaj Oo Ku Hadlaya Magacyada Odayaasha Dhaqan DDSI Wuxuu Aad Ula Dardaarmay Gudoomiyaha Cusub Jaaliayadda Kuna Booriyay Inay Xoogga Saaraan Xilka Loo Igmaday Noqda Kii Guta 


Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyah Ururka Dhalinyarada Jaaliyadda Birmingham Cabdiraxmaan Gilingil Oo Hambalyo U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Jaaliyada Weynu Soo Dhaweeyey Gudomoomiyaha Cusub Weynu La Shaqayn Doonaa Allaah Ha U Fududeyo Xilka Loo Igmaday.

Waxaa Munaasabada Soo Xiray Ugaas Xasan Oo Ka Hadlay Bile Maxamed Siyaad Oo Ah Shaqsi Karti Badan Oo Fir-Fircoon Oo Ah Aqoonyahan Ah Qibrad Ku Xeeldheer U Leh Arrimaha Deegaanka In Badan La Soo Shaqeeyay Jaaliyadda DDSi Birmingham Oo Horrey U Ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda Birmingham Waxeynu Leenahay Hambalyo Gudoomiye  Waxaa Halkaasi Ka Hadalay Marti Sharaf Kala Duwan Oon Qoraal Aan Lagu Soo Koobi Karin.