Ramadan Kariim 



 

      

Tababar Lagu Kobcinayo Garaadka Aqooneed Ee Macalimiinta

Godey (CN) Axad 20, Dec, 2015 Tababar lagu kobcinayo garaadka Macalimiinta, Maamulayaasha Iyo Kormeerayaasha ayaa lagusoo gabagabeeyay xarunta Gobolka Shabeelle ee Magaalada Godey.

Waxaana kasoo qaybgalay xubno ka kala socday 14 Dagmo oo ka tirsan afarta gobol ee kala ah Jarar, Doollo, Qoraxay iyo Shabeelle. Tababarkan oo muddo ka socday ayay barayaasha luuqada Ingriisku kaga faa’iidaysanayeen Kobcinta awooda iyo Cilmiga Ingriiska, hase yeeshee, Maamulayaasha iyo Kormeerayaasha Dugsiyada ayaa iyaguna qaatay kor u qaadida xirfadaha joogtada ah ee barayaasha. Waxaa kaloo si wada jir ah xubnaha tabobartayaasha loo siiyay maaraynta fasalka iyo ardayga.

Gabagabadii Gadhwadeenka Geedi-socodka Hormarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarasha ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Farxaan Cabdi Makhtal ayaa sheegay in tababarkan lagu kobcinayo garaadka iyo aqoonta barayaasha wax ka dhiga dugsiyada deegaanka inay helaan barayashu tababaro gaagaaban oo dhisaya heerkooda cilmi ee barenimo ahna mid faa’iido u leh ardayda iyo nidaamka baris barasho ee isbadalka looguna abuurayo bulsho waynta si looga baxo saboolnimada.