Munaasabada Xuska 1490 Ee Dhalashada Nabiga NNKH Oo Si Balaadhan Looga Xusya Jigjiga.

Jigjiga(CN),khamiis, 24ka December, 2015, Waxaa maalintii shalay guud ahaanb deegaanka dalkeena itoobiya iyo  caalamka islaamka siwayn looga dabaal dagayo munaasabada xuska 1490 ee  dhalashada nabi Muxamed NNKH ee 12 bisha mowliid/rabiicul awal  ee sanadka hijirada 1437.

hadda Munaasabadii loogu dabaal dagayay  dhalashada Nabiga NNKH oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta deegaanka ee jigjiga, iyada oo lagu qabtay munaasabadan hoolka shirarka ee SMCX.taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta sare uu xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan, golaha wasiirada DDSI, masuuliyiinta golaha arimaha islaamka DDSI, culimo awdiinta deegaanka ardayda dugsiyada magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga.

Munaasabadan loogu dabaal dagayay dhalashada Nabiga NNKH oo ay ugu horayntii ardayda waxka barata dugsiyada iyo madarasadaha maamulka magaalada jigjiga ay ku soo bandhigayeen nabi amaan iyo nashiidooyin aad u soo jiitay ka soo qaybgalayaasha ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka wax barashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo  warbixiyay qiimaha iyo qaayaha ay leedahay munaasabadani,iyo meeqaamka ay mudan tahay in xusitaankeeda la wayneeyo.

Gudoomiyaha golaha arimaha islaamka DDSI mudane sheikh Cabdiraxmaan Xasan oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ay maalintani tahay maalin farxad wayn u leh  caalamka islaamka kana duwan tahay maalmaha kale, tilmaamayna qiimaha iyo qadarinta ay leedahay maalintani

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada arimaha islaamka DDSI mudane sheikh Sayid Nadiir Sayid Nuur ayaa sheegay in maalintani qiime wayn ugu fadhido muslimiinta caalamka,  dalka  iyo kuwa deegaankaba.