Tababar loo fidiyay Maamulayaasha iyo Kormeerayaasha Dugsiyda Gobalka Liiban & Afdheer

 

 

 

Filtu (CN) Sabti, 27 Dec, 2015 Tababar kor loogu qaadayo garaadka Macalimiinta, Maamulayaasha Iyo Kormeerayaasha ayaa lagusoo gabagabeeyay xarunta Gobolka Liibaan ee Magaalada Filtu.

12 Dagmo oo ka tirsan labada gobol ee kala ah Liibaan,  iyo Afdheer. ayaa tababar laxidhiidha nidaamka baris barasho iyo maaraynta fasalka iyo ardayga loogusoo gabagabeeyay isla xarunta Gobolka Liibaan ee Filtu. Tababarkan oo muddo socday ayay khabbiiro ka socday Xafiiska Waxbarashada DDSI siinayeen cashiro kala duwan oo kor u qaadaya aqoonta barayaasha. 

Gadhwadeenka Geedi-socodka Hormarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarasha ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Farxaan Cabdi Makhtal ayaa sheegay in tababarkan kor loogu qaadayo garaadka iyo aqoonta barayaasha deegaanka.