Edmonton Iyo Wacdarihii Dabaaldaga Xuska.

Edmonton(CN) Isniin, 28 December 2015, Waxaa ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee wadanka Canada munaasabada  balaadhan oo loogu dabaal dagayay munaasabada xuska  3 jirsatay ee ka soo wareegtay aas aaskii jahliyada DDSI ee magaalada Edmonton.

Munaasabadan oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ayna u kala hadhin   jaliyada gobolka Alberta iyo kuwa magaalad Edmonton marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladan iyo waliba kooxaha suugaanta ee jahliyada DDSI.

Haddaba munaasabadan oo ay kooxaha fanka iyo suugaanta  ugu horayntii ku  soo bandhiga suugaan aad u macaan oo siwayn u soo jiidatay dareenka ka soo qaybgalayaasha munaasabada korna  uqaadey Xamaasadii iyo xiisihii munaasabada siciifana ay qaybaha kala duwan ee jahliyadu cagta iskula heleen jiibta iyo jaanta dhaantooyinka iyo heesaha kale, ayaa ka dib la guda galay qaybihii kale ee munaasabada.

Waxaana si qoto dheer loogu qaadaa dhigay isbadalada horumarineed ee ay ku talaabsatay jaliyada DDSI ee Edmonton iyo tan gobolka Alberta iyo guud ahaan isbadalada horumarineed ee sida xawliga ah uga socda DDSI.

Munaasabadan oo ay waxqarad badan oo ka mid ah jahliyadu ay ka hadleen ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay   gudoomiyaha jaaliyada Edmonton mudane Khadar  Maxamed Mukhtar oo sharax dheer ka bixiyay hiigsiga iyo hirgalinta  jihooyinka iyo qorshayaasha horumarineed ee jahliyada magaalada Edmonton iyo sii xoojinta xidhiidhka ay jahliyadu la leedahay xukuumada DDSI.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadan Gudoomiyaha jaaliyada ee gobalka Alberta mudane Axmed Deeq oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani sheegayna in ay tahay maalin la waawayno xusitaankeeda isaga oo ku dheeraaday taageerada balaadhan ee ay jahliyadu u hayso XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana gabagabadii munaasabadan la isla qaatay in ay jahliyadu xooga saarto hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalyada la dagaalanka dulsaarnimada la dagaalanka aratida xidhiidhiga ah iyo joogtaynta xidhiidhka dhinaca kasta leh ee ay jahliyadu la leedahay xukuumada DDSI