Ramadan Kariim 



 

      

Tababar La Xidhiidha Barayaasha Luuqada Ingriiska Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

Jigjiga (CN) Isniin Dec 28, 2015 Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo hayay macalimiinta luuqada ingiriiska islamarkaana socday mudo lix maalmooda ayaa maanta loogu soo xidhay Kuliyada Maaraynta & Adeega Shacabka Ee Magaalada Jijiga.

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd barashada barnaamijka kor uqaadida iyo horumarinta luuqada ingiriiska ee (ELTIP) English Language Improvemnt Training Program ayaa waxaa kasoo qaybgalay 52 Barre oo  luuqada ingiriiska dhiga islamarkaana ka kala yimid 36 Dagmo oo ka kala tirsan  Gobolada Faafan, Nogob, Qoraxay, Sitti & Jarar iyo Iskuulada boodhanka deegaanka ee Fiiq, Jigjiga, Shaygoosh Iyo Gaashaamo .

Hadaba ugu horayn xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa soo xidhay Madaxwayne Ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Waxbarashada Mudane Mawliid Hayir Xasan wuxuuna sheegay in macalimiintu ay yihiin indhaha bulshada islamarkaana isbadalka horumarined ee dalka ka socda ay saamayn wanaagsan ku leeyihiin hormarka, waxuuna intaa ku daray masuulku hadalkiisii in barayaasha luuqada ingiriisku ay lagama maarmaan tahay in aqoontooda luuqadeed ay kor u qaadaan dhanka ku hadalka maadaama luuqada ingiriisku ay tahay mid caalami ah islamarkaana si wadaniyad leh ay ugu  faaiideeyaan ardayda iskuulada iyo goobaha ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxa uu Madaxwayne Ku xigeenku hadalkiisii ku soo gunaanaday dardaaran qiiro leh isagoo u sheegay macalimiinta in dalkooda iyo diintoodaba daacad ay u noqdaan si lahaansho lehna ay uga faa iideeyaan aqoontooda.

Sidoo kale xidhitaankii tababarka waxaa ka hadlay Gadhwadeenka Geedi-socodka Hormarinta Macalimiinta & Hogaaminta Waxbarashada ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Farxaan Cabdi Makhtal waxa uuna sheegay in macalimiintu mudadii tababarku u socday ay casharo muhiima oo faa iido badan u leh ku qaateen islamarkaana xaq loogu leeyahay macalinkasta in uu  si hagar la’aana oo daacadnimo leh ugu adeego bulshadiisa.