CIID MUBAARAK



 

      

Kal Fadhigii 5aad Ee Golaha Kabineetka DDSI Oo Ka Qabsoomay

Jijiga(CN) Isniin, 28 Dec 2015, Kal fadhigii 5aad ee golaha kabineetka DDSI ayaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska madaxtooyada.

Kal fadhigan oo ay  isugu yimaadeen dhamaan golaha kabineetka deegaanku, ayaa ugu horayn uu  Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  uu usoo bandhigay  Golaha Kabineetka ujeedada kalfadhigan oo ahayd in shaqo abuuris loo sameeyo  todoba kun ( 7000) oo aqoonyahan  ah oo u dhalatay deegaanka laguna shaqaaleeyo qaab dhismeedka dawlada islamarkana 100,000 boqol kun oo dhalinyaro ah loo abuuro fursado iyo xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan. Ujeedada labaad ee kaldhigan ayaa ahayd  xal u helida  xaalada abaaraha ee Gobolka Sitti. 

Hadaba, shaqo abuurista ayaa ah nidaam kor loogu qaadayo Adeeg bixinta shacabka, ahna midda lagaga bixi karo saboolnimada iyo abaaraha. iyadoo 1500 oo ka mid ah dadka ay xukumadu shaqaaleyneyso ay yihiin  xirfadlayaal caafimadka, 1500 oo macalin oo  kor loogu qaado tayada waxbarshada, 560 xirfadlayaal oo dhanka biyaha ah, 500 oo xirfadlayaasha beeraha ah iyo inta kale oo isugu jira xirfad-layaal kala duwan kuwaasoo daboolaya dhamaan noocyada adeeg bixinta ee guud ahaan deegaan.

Muwaadiniintan ayaa intooda badan lagu meeleyn doona gobalada, dagmooyinka,  maamul magaalooyinka iyo xafiisyada heer degaan gaar ahaan wakaladaha.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in100,000 oo muwaadin tababaro iyo xirfado ay ku shaqeystaan iyagoo shirkado ahaan la’isugu xidhayo, loona diyaarinayo xirfadaha shaqo iyo maalkii ay ku shaqaysan lahaayeen loo faa’iideeyo, fursadahaas oo kala ah ceelal iyo dhull beereed, habka casriyeysan ee xoola dhaqashada, Maalgalinta kaluumeysiga wabiyada, malabka iyo shinida, maalgashiga digaaga, warshadaha yaryar, ganacsiga iyo maalgashiga iyo xirfado shaqo oo ka badan 670 xirfadood oo si dhib yar looga faa iideynayo muwaadiniin u badan dhallinyaro, dumar iyo hooyooyin.

Ugu dambayntii ayaa cod buuxa lagu ansixiyay sidii loo taabbo gallin lahaa fursadaha shaqo ee guud ahaanba deegaan ka baanaan.