Ramadan Kariim 



 

      

MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Warshad Casriya.

Jigjiga(CN) isniin, 4, January, 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay ka  mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,  wasiirka maalgalinta mudane Cabdinaasir Maxamed iyo qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI ayaa maanta xadhiga ka jaray warshada kaaramardha Foam factory oo ah warshada casiyo oo laga hirgaliyay magaalada jigjiga.

Warshadan oo ay maalgashadeen  hirgaliyeena  maal-qabeeno iskugu jira qurba joog iyo qaran joog u dhashay DDSI ayaa  madaxwaynaaha DDSI iyo masuuliyiintan ku wehelinaysay waxay soo indha indheeyeen  geedi socodka shaqo ee warshadan qaybaha ay  ka kooban tahay iyo sida uu yahay  wax soo saarkeedu yahay.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xadhig ka jarkii iyo soo indha indhayn ka dib ka soo jeediyay khudbad dheer oo ku qotonta ahmiyada ay u leedahay wararshadani guud ahaanba DDSI sheegayna in ay tahay wax ku dayasha mudan oo ay muujiyeen muwaadiniintan maalgashaday deegaankooda, wuxuuna tilmaamay madaxwaynuhu  sida  balaadhan ee ay uga  qayb- qaadanayso hirgalinta hawlaha horumarka,  abuuritaanka ilaha shaqada la dagaalanka iyo qalajinta  saboolnimada, wuxuuna ku booriyay maalqabeenada DDSI kuwa dalka jooga iyo kuwa qurbaha jooga in ay sii xoojiyaan hawlaha maalgashiga deegaanka, xukuumada DDSI xooga saarayso awoodsiinta dhinaca maalgashiga salna u tahay hirgalinta qorshaha GTP2ga.

Dhankiisa maareeyaha warshada kaaramardha foam factory mudane Cismaan  Gaafuun ayaa sharax dheer ka bixiyay   bilowgii iyo aas-aaskii warashada iyo jihooyinkii lagu hirgaliyay wuxuuna sheegay in dadaalkii dheeraa ee xukuumada DDSI u gashay in ay qurba joogta DDSI ku dhiiriso in ay maalgashadaan deegaankoodu ay keentay hirgalinta warshadan oo ah mid casriya. Wuxuuna dheegay maareeyuhu in ay warshadan ku baxday aduun lacageed oo dhan 60,000,000 birr, waxayna maalintiiba soo saaraysaa 1000 furaashyo iyo fadhiyo iskugu jira, waxayna shaqo abuur u samaysay ayuu yidhi 400 oo qof oo muwaadiniin ah.

 

Isku soo wada xooriyoo waxaa sanahidii ugu danbeeyay si xawliga ugu soo kordhaya deegaanka hantiilayaasha  sida balaadhan u maalgashadana deegaanka