Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Wacyigalin Ah 0o Ka Dhacay Dire-dhawa.

Diredhawa(CN) Isniin, 4, January, 2016, Waxaa ka dhacay ismaamulka magaalada  Dire-dhawa kulan balaadhan oo ay soo, Qaban-Qaabiyeen hogaaminta ururka dhalinyarada SEDYO  Sweden Oo Kaashanayaan ismaamulka  Magaalada  Diredhawa. Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii  Dhalinyarada looga   wacyigalin  lahaa   loogana  digilahaa   Dhibaatada iyo aafada  Laga Dhaxllo Tahriibka ama socdaalka sharcidarnada ah. 

Waxaa furitaankii kulankaasi  Ka soo  Qeyb-Galay Mas’uuliyiinta Maamulka  Diredawa, gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO Sweden, Waallidiin, Waxgarad Iyo Boqolaal Dhalinyarro Ah oo ah ka kala socday ururda dhalinyarada ee ismaamulka magaalada dire-dhawa.

Kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ka socday xarunta XDSHSI laantiisa diredhawa, masuuliyiinta ismaamulka diredhawa iyo gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO Swedan mudane Maxamed Xasan(huways) oo isagu inta badan dadaalo dheer oo dhinaca wacyigalinta dhalinyarada  ka waday guud ahaanba deegaanka.

Masuuliyiinta ayaa dhamaantood ku dheeraaday aafooyinka iyo dhibaatooyinka ay leeyihiin tahriibtu socdaalada sharcidarnada ah ee lagu halaagayo nafta waxayna sheegeen in dalkeena itoobiya yahay dal ay ka jiraan fursada aad u badan oo lagu horumarinayo dhalinyarada dawladuna xooga saartay horumarinta xidhmaha horumarinta dhalinyarada.waxayna tilmaan  dheerka bixiyeen masuuliyiintani in ay dhalinyaradu tahay lafdhabarta bulshada hogaaminta barito loona baahan yahay in ay qaataan aragti horumarineed.

Dhankooda dhalinyaradii kulankaasi ka soo  qeybgalay  ayaa Isku Raacay In Si Wadda Jir Ah looga hortaga dhibaatooyinka ay leedahay tahriibtu korna loo sii qaato dhinaca wacyigalinta dhalinyarada si fahan buuxa looga siiyo dhibaatooyinka uu leeyahay.