Biyo Xidheen Lagawado Dagmada Xamaro

Xamaro(CN) Talaado 5 January 2016 Mamulka Degmada.Xamaro ee Gobalka-Nogob ayaa sheegay inay 95% soogaba gabeeyeen biyo xidhenka laga fulinhayo Tuulada Labdare ee Degmada.Xamaro.

Hadaba Biyo xidheenkan ayaa ka mid ah 13 Biyo-xidheen oo sanadkan 2008 T.I laga fulinayo Gobalka Nogob kuwaas oo kamid ah 96 biyoxidhen ee XDDSI sanadkan u qorshayeey inlaga hirgaliyo degaanka dagmooyinkiisa kaladuwan si ay bulshadu uga faa'iidaystaan dhanka cabitaanka Dadka,Duunyada iyo Beerahaba.

Dhismaha Biyo xidheenkan ayaa waxaa kormeer indho-indhayna kutagay qaarkamida maamulka dagmadaas waxaana ugu horayn nooga warbixiyay Gudoomiyaha Degmada.Xamaro Mudane Cabdi-xanan Axmed Xuseen waxuuna sheegay in dhismaha biyo xidheenku meel gabogabo ah mareayo oo u dhaw 95% waxa uuna intaa kudaray gudoomiyuhu in inta ka dhimana sifiican loo sii dhamaystiri islamarkaana ay la soconayaan maalin walba xaaladiisa.