Ramadan Kariim 



 

      

Wax Soo saarka beeraha ee Gobolka Shabeele.

Beer-caano(CN) Arbaca, 6da January, 2016, Gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun ayaa kor meer shaqo ku gaadhay  mashaariicaha wax soo saarka beeraha ee ka socda degmada beer-caano ee gobolka shabeele ee ay bulshadu uga faa-iidaysanayso mashruuca waraabka galbeedka shabeele.

Sida uu noogu soo waramay wariyaha shabakada wararka cakaaraNews ee gobolka shabeele, ayaa waxa uu ku waramay in  gudoomiyaha iyo masuuliyiintii ku wehelinaysay ay u kuur-galeen sida uu wax soo saarkoodu yahay iskaashatooyinka beeralayda ah gaar ahaan iskaashatada beerlayda ah ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.

Gudoomiyaha gobolka shabeele mudane farxaan Cabdi Maajuun oo warbaahinta deegaanka la hadlayay ayaa sheegay in xukuumada DDSI xooga saartay kobcinta wax soo saarka  beeraha iyo helitaanka technology casriga ah ee sahlaya  dhinaca wax soo saarka  beeraha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu xoojinayo wax soo saarka beeraha  wuxuuna sheegay in ay iskaashatooyinkani si balaadhan uga faa-iidaysteen fursadaasi ay xukuumada DDSI  u samaysay.

Xubno ka  mid ah iskaashadada beeralayda ah ee ciidanka booliska gaarka ah  DDSI oo la hadlayay warbaahinta   ayaa sheegay in wax soo saarkan ka soo go’ay beertooda oo  hadda uu soo go’ay  kan calafka xoolaha oo aad u badan  ay ku caawinayaan bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolka siti ee ay abaaruhu saameeyeen si aanu neef-danbe ugu dhiman  abaarta.