Biyo Xidheenada Lagawado Daratoole & Galaadi

Wardheer(CN) 6 January 2016, Qaar kamid ah Maamulka gobalka Doolo oo uu horkacayo gudoomiyha Gobalka doolo  Mudane Maxamed Cali Axmed ay kormeer indho indhayn ah ku gaadhay biyo xidheenada laga wado labada dagmo ee galaadi & daratoole.

Hadaba kormeer kan uu horkacayo gudoomiyha Gobalku ayaa booqday Mashaariicda  biyo-xidheenada ee  laga hiragalinayo dagmooyinka kuwaasoo kala ah biyo xidheenka lagawado tuulada  Naaga-odays ee Degmada  Galaadi iyo sidookale dhismaha biyo xidheenka  ee laga wado Dagmada Daratoole.

Hadaba Gudoomiyaha Gobalka Doolo Mudane Maxamed Cali Axmed  ayaa sheegay in labadan Biyo-xidheen ee ay booqdeen meel fiican marayaan wakhti dhawna ay dhamaan doonaan islamarkaana ay kawarhayaan dhamamaanba Biyo xidheenada lagawado Gobalka Dagmooyinkiisa kaladuwan.