Shir Lagaga Hadlayay Tayada Adeeg Bixinta Caafimaadka ee Cusbitaalka Fiiq.

Fiiq,(CN), Axad, 10ka, January, 2016,  Shir uu soo diyaariyay maamulka cusbitaalka fiiq, oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada fiiq, ujeedadiisuna ahayd sidii looga wada hadli-lahaa geedi socodka shaqo iyo tayada adeeg bixinta uu bulshada siiyo cusbitaalku,  ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiinta cusbitaalka, masuuliyiinta maamulka Gobolka iyo masuuliyiinta Degmada Fiiq.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gobolka Nogob mudane Dayib Axmed Nuur oo ka warbixiyay adeegyada guud ee uu cisbitaalkani u hayo, bulshada ku dhaqan guud ahaanba gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa tayada adeeg bixinta cisbitaalka.

Gudoomiyaaha degmada Fiiq mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan  oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka warbixiyay siyaasadaha caafimaadka ee ku qotoma tayaynta adeegyada caafimaadka iyo doorka ay bulshadu ku leeyihiin hirgalinta siyaasadahaasi siwayna ugu baraarugto bulshadu adeegsiga caafimaadka uu bixiyo cusbitaalkani.

Maareeyaha cusbitaalka magaalada Fiiq mudane Dr Maxamed Axmed ayaa sharax dheer ka bixiyay ujeedooyinka shirkan, isaga oo sheegay in uu yahay shirkii caadiga ahaa ee ay bulshada iyo maamulku cisbitaalka kuwa gobolka iyo degmaduba  3dii  biloodba mar ay isku xogwaraystaan heerka adeeg bixinta caafimaad ee cusbitaalka,  loogu kuurgalo geedi socodka shaqo iyo adeegyada caafimaad ee bulshada u fidiyo cusbitaalani bulshadana lagu  baraarujiyo adeegsiga caafimaadka islamarkaana loo gufeeyo haddii ay wax go-daloole ah jiraan si loo sii xoojiyo adeegyada caafimaadka.

Qaybaha kala duwan iyo waxgaradka bulshada  oo ka hdlay shirkaasi ayaa si fiican u soo dhaweeyay shiran loogu kuurgalayo geedi socodka shaqo iyo adeeg bixinta cusbitaalkan waxayna sheegeen in ay dhan-kooda ka soo dhalaalayaan hirgalinta iyo sii xoojinta adeegyada caafimaad ee cusbitaalkan fiiq.