MW CMC Oo Ka Qayb-galay Kulan Wasaarada Arimaha Faderaalka .

Adis-Ababa(CN), isniin, 11ka January, 2016, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta galinkii danbe  ka qaybgalay kulan ka dhacay  holka shirarka ee wasaarada arimaha Fadaralka, kulankaasi ayaa waxaa  hogaaminayey wasiirka wasaarada arimha fadaralka  Mudane Kase  Tagle Burhan iyo  wasiirka wasaarada Caafimada JDFI  Mudane Dr Kasate Burhan Admasu.

waxayna  u jeedadiisa ahayd  kulankaasi  in wasaarada caafimaadka JDFI  wareejiso   gaadiid loogu talagalay in lagu xoojiyo dhinaca adeegyada caafimaadka ee deegaanada.  Waxaana kulan kaasi lays kula qaatay  in dawlada deegaanka soomalida itoobiya lagu wareejiyo 72 baabuur oo ah TOYOTA HILUX  iyo160  motorcycles  ay wasaarada caafimaadka JDFI ku wareejiso DDSI, gaadiidkan ayaa loo adeegsan doonaa xoojinta adeegyada caafimaadka DDSI.

Maaha markii ugu horaysay ee ay wasaarada caafimaadka JDFI ku wareejiso gadiid xukuumada DDSI ee waxaa marba marka ka danbaysa kor u sii kacaya deeqaha horumarineed ee laga helaya wasaaradaha heer faderaal.