CIID MUBAARAK



 

      

Shirkii Qiimeynta Rubaca 2aad Ee Gobalka Nogob

Fiiq(CN) Isniin 11 January 2016, Shir qiimayn ah oo ay isugu yimaadeen dhamaan maamulka 9ka degmo ee Gobalka Nogob islamarkaana lagu soo bandhigayay warbixinta waxqabadkii rubucii labaad ee sanadkan 2008 T.I ayaa kafurmay Hoolka shirarka ee Magaalada Fiiq.
Shirkan oo ay hogaaminhayeen masuuliyiinta ugu saraysa Gobalka Nogob ayaa lagu qiimaynayey Xafiisyada-Hormarka, Nabadgalyada, Mamulka-Suuban, Arimaha-Xisbiga, Dakhliga iyo walib Xidhiidhka Arimaha-Bulshada.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobalkka Nogob Mudane Axmed Aadan Axmed oo sheegay in shirkani yahay shirkii caadiga ahaa ee qiimaanta rubuc laha ah  islamarkaana aan dhagaysanayno warbixinta rubaca labaad ee sanadkan Degmo kasta oo gobalka kamida, waxa uuna masuulku hadalkiisi kudaray in warbixinta loo soo jeedinayo qorshihii dagmo kasta, waxii qabsoomay waxa aan qabsoomin iyo sababta ayna u qabsoomin, (Physically and financially) labadaba.

Ugu danbayna waxa uu ka gabagabeeyay hadalkiisii in galdaloolada kayimaada dagmo kasta lasaxo iyadoo lagula xisaabatamayo iyo waliba in cashar laga barto caqabadihii soo food saaray.