Wax Qabadka Kuliyadaha DDSI.

Jigjiga(CN) talaado, 12, January, 2016. Shirkii qiimaynta waxqabadka 6 bilood ee sanad miisaaniyeedka 2008TI ee  kuliyadaha DDSI  ayaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan kuliyadaha dawliga ah ee DDSI oo ay tiradoodu dhan tahay 8  iyo kuliyadaha gaarka loo leeyahay  oo ay tiradoodu dhan tahay 5 kuliyadood, taasi oo ay  ka so qaybgaleen masuuliyiinta kuliyadahaasi ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka xafiiska  Tababarada Xirfadaha iyo farsamada (TVET) DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi.

wuxuuna furitaankii shirkan wasiir ku xigeenku sharax dheer ka bixiyay mudada uu socto shirkani waxyaabaha diirada la saaridoono layskulana xisaabtanidoono I tus oo itaabsii iyada oo laga duulayo gaadhida cabirkii la dhigtay qorshaha 6 bilood ee hadda dhamaatay u yaalay kuliyadaha deegaanka  gaar ahaan dhinacyada  Nidaamka Barisbarasho,  adeega bulshadaba iyo sidookale ku shaqaynta jahooyinka siyaasadeed ee u dajisan sectorka TVETka heer dal iyo heer degaanba.

 

Shirkan qiimaynta ah oo sii socondoona maalmaha soo socda  ayaa waxay kuliyaduhu ku soo bandhigayeen warbixinta waxqabadka lixdii bilood ee  kuliyadaha wixii qab-somay waxaan qabsoomin iyo sobobta ay u qabsoomi waayeen. Waxaana la filayaa in gabagabada shirkan qiimaynta ay ka soo baxaan go’aano lagu sii xoojinayo hirgalinta jihooyinka horumarineed ee kuliyadaha iyada oo laga duulayo gufaynta haddii ay jirto wax gol-daloolo ah.