MW CMC Oo Soo Caga-dhigtay Xarunta.

Jijiga(CN) khamiis, 14ka January. 2016,  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ka dib markii uu saaka ka soo kicitimay caasimada dalka ee Adis-Ababa.

Madaxwaynaha  DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka qaybgalay   arooska  marwo Dr. Sosina Hailemariam Desalegn-gabadha Raisalwasaaraha dalka oo lagu marti qaatay madaxwaynaha, sidoo kalena  oo uu ka qaybgalay kulamo lagaga hadlayay hirgalinta hawalaha horumarka dalka gaar ahaan kulankii wasaarada arimaha faderaalka JDFI ee madaxwaynaha DDSI  lagu gudoonsiiyay gaadiidka loo adeegsanayo hirgalinta horumarka deegaanka ayaa uu maanta dib ugu soo noqday xarunta deegaanka ee jigjiga.