Mashruuca DRSLP Oo Shir Dood-Cilmiyeed Ah Qabtay

Jigjiga(CN) Isniin 25 January 2016, Shir uu soo agaasimay Xafiiska Xoolaha & Hormarinta heer guuraaga gaar ahaan Masruuca u Adkaysiga Abaaraha & Qutulyoonka Waara (DRSLP) islamarkaana lagu soojeedinayay  daraasaad laga sameeyay Ilaha Biyaha & Daaqa ee Sagaalka Dagmo ee mashruucu ka hawlagalo ayaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee Universal-Hutel.

Shirkan ayaa waxaa kasooqayb galay 60 xubnood oo ka kala socotay Heer-federal, Heerdeegaan & Heer dagmo gaar ahaana Xafiisyada Beeraha, Biyaha, Cilmi-Baadhista, Xafiiska haweenka & caruurta, iyo waliba Xafiiska Maaliyada, Waxaana lagu qiimaynayay daraasaadkii ay sameeyeen shirkada YESHBAR ay ee ku saabsanaa ilaha Biyaha sida ceelasha barkadaha  & daaqa qaybihiisakalduwan

Iskuduwaha Guud ee Mashruuca DRLSP ee Xafiiska Xoolaha iyo Hormarinta Heer guuraaga Mudane Maxamed Faarax Faalug  oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in shirkani uu yhay mid lagaga doodayo daaqa iyo biyaha ee sagaalka dagmo ee mashruucu ka shaqeeyo, sidookale waxa uu masuulku tilmaamay in daraasaadka ay samaysay shirkadu ahaa mid muhiima islmarkaana talobixino badan ay ka sameyeen.

Waxa uuna haalkiisii ku gabagabeeyay in mashruuca DRSLP uu shaqooyin hormarineed kawado 45 tuulo oo kala hoostimaada 9 dagmo islamarkaana xog uruurin buuxda laga smeeyay dhanka biyaha & daaqa labadaba maadaama uu yahay macnaha mashruucu xal uhelida ama u adkaysiga abaaraha iyo nolol maalmeed waara