CIID MUBAARAK



 

      

Masuuliyiin Heer Deegaan ah oo Soo kor-meeray Mashaariicaha Waawayn.

Qabridahar  (CN) Isiin 25ka, January, 2016  Gudiga dabagalka iyo qiimaynta  mashaariicaha waawayne ee SDG iyo mashaariicaha horumarineed ee kale oo ah,   masuuliyiin heer deegaan oo ay hogaaminaysay gudoomiyaha  gudigan dabagalka iyo qiimaynta mashaariicaha ahna wasiirka horumarinta khayraadka biyaha DDSI  marwo Fartuun Cabdi Mahdi  ayaa kor-meer shaqo  ku soo maray  mashaariicaha horumarineed   ee ka socday Gobolada Jarar iyo Qoraxay.

Ujeedada socdaalka masuuliyiinta heer deegaan  ayaa ahayd in ay dabagal iyo qiimayn  ku sameeyeen heerka mashaariicaha waawayn kuwa bilowga ah kuwa meel dhexe maraya iyo kuwa dhamaadka ah ay fulitoodu marayso.

Waxaana ka mid ahaa mashaariicaha waawayn ee ay booqdeen masuuliyiintani mashruuca Baka, Goomaar, Maraacaato, iyo Wejiwaaji kuwaasi oo ah mashaariicihii uu dhawaan soo dhagax dhigay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee ahaa biyo xidheenada waawayn ee looga faa’iidaynayo bulshada gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.

Masuuliyiintan ayaa waxaa kale oo ay soo kor-meereen garoonka diyaaradaha ee qabridahar oo  dhismihiis hadda meel-gabo gabo ah marayo kaasi oo ay hirgalinta dhimihiisa  gacanta ku hayso wakaalada Iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.

 

Masuuliyiintan ayaa shir qiimayn ah ku yeeshay  magaalada qabridahar shirkaasi oo diirada lagu saarayay heer ka ay  marayaan mashaariicana ay fulinayaan wakaaladaha DDSI waxaana ka  soo qaybgaleen masuuliyiina wakaaladaha iyo injineeradii gacanta ku haya   fulinaya mashaariicahan. Waxaana laysla qaatan in ay hadda bilow fiican marayaan mashaariicana biyo xidheenadi iyo in la sii dar dargaliyo si mudo kooban loogu soo gabagabeeyo.